Sunday, March 23, 2014

Waa sidee Xaalada Degmada Qoryoolay 24 Saacadood oo dagaal ah ka dib?


AMISOMQoryoolay(GNA)Maamulka degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay ku  dadaali  doonaan xaqiijinta ammaanka degmadaasi oo ay isaga baxeen xaraakada Al-Shabaab.




Guddoomiayaha degmadaasi ayaa sheegay  in wali degmada ay ka maqan yihiin adeegyada muhiimka ah.




Cismaan Cali Buraale oo la hadlay Warbaahinta saacado ka dib dagaalo faraha lagaga gubtay oo halkaasi ka socday 24-kii sacadood ee la soo dhaafay, ayaa sheegay in ganacsiga degmada uu si caadi ah u furmay, gaaadiidka ka hawl gala degmadana uu shaqeynayo.




 “ Ciidamadeena iyo ciidamada AMISOM waxay fariisamo ka sameysteen gudaha qoryoolay, waxa aan ku dadaali doonnaa xaqiijinta amniga degmada Qoryoolay” ayuu u sheegay Goob-joog .




Xarakadda Al-shabaab iyo xoogaga Amisom ayaa maryo dhiigle ku kala furtay dagaal socday saacado badan shalay gelinkii hore ilaa xalay, saacadihii dambe.




Dagaalka shalay dhacay waxa ku dhintay saddex ka mida qoys afar ruux ka kooban,ka dib markii Madfac ku habsaday.




Haweenaydii Qoyska ayaa ka badbaaday dhamaan qoyskii oo dhan, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal.




Khasaare xoogan ayaa soo kala gaaray Labada Dhinac ee Dagaalamay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com