Sunday, March 9, 2014

Ururka haweenka Awdal Oo Deeq Raashin Ah Siiyay isbitaalka Qaaxada Ee Boorama


Borama1Borama(GNA):.Ururka haweenka gobolka Awdal ayaa cunto deeq ah gaarsiiyey bukaannada ku jira isbitaalka qaaxada ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka. 




Raashinka oo ka koobnaa bariis, bur, saliid iyo sonkor ayay haweenku ugu talagaleen in muddo bil ah lagu masruufo bukaanka, sida ay saxaafada u sheegtay Radwa Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka. 




Radwa ayaa intaas ku dartay inay deeqdu ka dambaysay markii ay haweenka gobolku ka war heleen baahida bukaanka jiifa isbitaalka, kaddib markii ay magaalada ka baxday hay’ad bixin jirtay raashinkooda. 




Xubno kale oo ka tirsan ururka ayaa ugu baaqay dadweynaha Boorama inay iska xil saaraan bukaanka ku jira isbitaalka oo aan haysan masaariif. 




Agaasimaha isbitaalka qaaxada ee Boorama, Dr. Maxamed Faarax oo la guddoonsiiyey deeqda ayaa u mahadceliyey haweenka gobolka, wuxuuna ugu hambalyeeyey 8-da March oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka Oo ku beegnayd maalintii sabtida ahayd ee shalay.




Gobanimo news.com




Borama office