Taliska AMISOM ayaa si cadho leh uga jawaabay tallaabada dowladda Uganda ay ugu soo direyso Soomaaliya ciidamo hoos taga UN-ka, kuwaasoo ilaalinaya Xarumaha Hey'adaha Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo ka hadlayay warka ka soo yeedhay dowladda Uganda ayaa sheegay inuu yahay mid aanay la socon, isla markaana aanu AMISOM quseyn, isagoo xusay in arrintaas ay tahay mid u gaar ah dowladda Uganda iyo UN-ka sida uu yidhi.
"Waa arrin aanay AMISOM quseyn, hadii Uganda soo direyso ciidan UN Guards Force waa mid aan la dhayalsan karin, wuu jiray wada hadal ceynkaas ah, balse AMISOM hadii ay Nabadgelyo u joogto in ciidan ka gaar ah la soo diro waxay noqoneysa mid AMISOM laga aamin baxayo"ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay adkaan doonto sida ay ula shaqeeyaan ciidamada gaarka ah ee sugi doona ammaanka Hey'adaha Qaramada Midooey, waxaana uu xusay in arrintan hadii xaqiiqo noqoto ay tahay arrin weyn.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in Uganda ay soo direyso ciidamo gaar ah oo ilaalo u noqonaya Xarumaha Hey'adaha Qaramada Midoobey, kuwaasoo gaaraya ilaa 410 askari.
Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidankan gaarka ah ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka xarumaha hey'adaha Qaramada Midoobey iyo ilaalinta shixnadaha u soo degaya, inkastoo aanu carabaabin xilliga ay imaanayaan.
Ciidamadan ayaa loo yaqaanaa UN Guards Force oo hoos tagaya Qaramada Midoobey, astaantooda ayaa ah mida UN-ka oo aanay ku hoos shaqeyn doonin howl galka AMISOM, waaa tan keentay in durba Taliska AMISOm ee Midowga Afrika arrintan ka cadhoodo.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii bishii hore weerar is qarxin lagu qaaday gaadiid ay leeyihiin Hey'adaha Qaramada Midoobey ee ka howl gala Muqdisho, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey Soomaaliya kala saxeexdeen heshiis ku saabsan sharciyada loo siinayo Qaramada Midoobey inay uga howl gasho Soomaaliya.