Maamulaha Cashuuraha Berriga Burco oo lagu eedeeyay Maamul xumo iyo Musuqmaasuqa Kastamada Sool ilaa Saraar..Warbixin
Burco(GNA)-Wasaarada Maaliayada waliba Waaxda Cashuuraha Beriga ee Gobolka Togdheer ayaa beryihii ugu danbeeyay Hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi soo wajahay sababo dhinaca shaqada ah awgeed.
Arrintan ayaa sababteeda loo aanaynayaa dhawr arrimood oo ay ugu weyntahay Dayac dhanka Maamulka ah, taasoo lagu eeddeynayo Maamulahha Cashuuraha Bariga ee Gobolka togdheer C/risaaq Jaamac Maxamed oo aan inta badan xafiiskiisa u soo shaqo tegin.
Cabdirisaaq Jaamac, ayaa dhawaan xilka laga qaaday hase ahaatee saddex maalmood ka dib lagu soo celiyay, waxaanay shaqaalaha xafiiskiisu sheegeen in shaqadu u xanibantahay inta badan xiliga Maalintii.
“waakaas oo ma toosin intuu doono ayuu maqnaadaa cidna waxba kama qabanayso hal mar ayaa la bedelay oo sadex casho oo kaliya ayuu maqnaa,waxaanu waliba ku faanay waxba hays daalinina waan soo noqonayaaaye”sidaas wax Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah shaqalaha wasaarada Maaliyaada oo magaciisa qariyay.
Caaqil Maxamed Saleeban oo xarunata cashuuraha Bariga kula kulmay wariyeyaasha ayaa isaguna ka hadlay maamul xumida cashuuraha bariga.'' meeshani waxay u baanatahay qof wax garanaya oo hawlkar ah”ayuu yidhi.
Sidoo kale wasiiru dawlaha Wasaarada maaliayada Mudane Cismaan C/laahi saxrdiid oo shaqaalaha iyo madaxda wasaarada dhawaan isugu yeedhay si uu ugala hadlo dakhliga cashuuraha ee hoos u dhacay, kaasoo maraya halkii ugu hoosaysay ayaa aad u canaantay maamulka cashuuraha bariga “Burco waa caasimadii labaad ee dalka in dakhligeeda cashuuraha berigu hoos u dhaco maxaa sababay.waxaanu maamulaha cashuuraha beriga kala hadalnay inuu dardar geliyo dhakliga”.
Sababaha hoos u dhaca Dakhliga ka sekow Maamul xumadda, waxa jira Lunsi Cashuureed oo gaadiidka la kala iibsado iyo kuwa cusub ee Gobolka soo gala Baleedh Nambaro gaadiid hore lagu soo geliyo, taasoo meesha ka saartay lacagtii Cashuurta Gaadiidka.
Dhawaan ayay ahayd markii Hanti-dhawraha guud xabsiga u taxaabay qaar ka mida raga Mukhalasiinta ah ee Taarikooyinka Foojariga ah iyo Buugaagta Gaadiidka u sameeya, si aan looga qaadin Cashuur iyo kala wareejin toona marka la kala iibsado.
Kuma koobna oo qudha Musuqmaasuqa ragaadiyay Ilaha Dakhli soo saarka Gobolka Togdheer oo qudha, hase ahaatee sida ay Gobanimonews ku heshay xaqiiqo raadin arrintan aanu ka samaynay, inta badan Kastamada Cashuuraha Berriga ee Gobollada Sool, Saraar iyo Togdheer, ayaa ka siman wax is-daba marinta dhinaca Cashuurta.
Wariyeyaasha ayaa sheegaya in Magaalada Laascaanood Shaqaalaha Xafiisyada Maaliyaddu ay boqolkiiba toban Gaadhi Cashuurta Suuqa kaga qaataan, iyagoo aan markaasi gelinayn buuga Cashuuraha, isla markaana Shaambad ugu dhufanaya Buugaagta iyagoo aan wax jiwan ah u jarayn.
Arrimahan ayaa sabab u noqonaya hoos u dhac dhaqaale oo soo food saara Dakhli soo saarka Hay’addaha soo xeraynta maaliyadda Dawladda.
isku soo wad Duuboo maamulaha cashuuraha Berigu waa masuulkii koowaad ee inta xilka laga qaado hadan sadex casho oo kaliya ka maqnaada ee lagu soo celiyo iyadoo waaxda cashuuraha berigu tahay isha ugu muhiimsan ee dhaqaale isla markaan ay soo wajahday hoos dhac dhinaca dakhliga ahi.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com