Garsoorku ma haystaa Madaxbanaani? Warbixin GNA..
Badheedhihii Bahda Garsoorka oo Kashifay Hawl-gudashada iyo Waajibaadka Guddida Cadaaladda iyo tuhunno hore loo qabay.
“Madaxwaynaha qaranka iyo u madaba waxaanu ku war galinaynaa inaanay guddida cadaaladu waxba kala socon arinta ay ku hadleen garsoorayaashu..Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre.
Hargeysa(GNA)-Eeddeymo iyo cabasho is-huwan oo Garsooreyaasha Maxkamaddaha hoose u soo jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata inay saameyn badan ku yeesheen Guddida Cadaaladda iyo waaxda Fulinta oo si cadho leh uga falcelinayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Garsooreyaasha Maxkamaddaha hoose ayaa cabashadoodu la xidhiidhaa faro gelin dhanka Xukuumadda kaga yimaada Dacwadaha Maxkamaddaha ku jira iyo af-duub Wasaaradda Cadaaladdu ku qabsatay Madaxbanaanidii Garsoorka.
“intaasoo dacwadood oo Maxkamaddaha ka soo baxay ayaa fulintooda Xukuumaddu hortaagantahay”sidaasi waxa Sheegay Garsooreyaasha Maxkamaddaha Gobolka iyo Rafcaanka Maroodi-jeex todobaadkan horaantiisii warbaahinta la hadlay.
Garsooreyaasha ayaa intaasi ku daray iyagoo Eedeyn u dhigaya inay faro gelin joogto ah ku hayaan Madaxda Xukuumaddu, waxaana eedeyntaasi si weyn uga gubtay oo daadifeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo laba Maalmood ka hor qoraal soo saaray.
“ma jirto meel Xukumaddu faro gelin ku samaysay Garsoorka, waxaanay ahayd in hadii cabasho jirto ay si asluub leh u sheegaan Garsooreyaashu”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo qoraalkiisa lagaga dhadhansayay Inkiraad siyaasaddeed.
Guddida Cadaaladda oo ku gacan saydhay Garsooreyaasha Cawday
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Gudida Cadaalada Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ay weheliyaan xubno kale oo Guddida cadaaladda ka tirsan ayaa gef iyo meel ka dhac ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Madaxda Maxkamaddaha.
“waxaan maanta doonayaa inaan ka hadlo cabashooyin ka yimi qaar ka mid ah garsoorayaasha gobolka maroodi jeex oo ay kaga hadlayeen arin ay ka cabanayeen am tabashooyin ay qabeen,waxaan idin la socod siinayaa in ay halkani tahay xafiiskii cadaalada xubnahan fadhiyaan ay yihiin xubnihi guddida cadaalada”ayuu yidhi Dr. Yuusuf Cali.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray”Madaxwaynaha qaranka iyo u madaba waxaanu ku war galinaynaa inaanay guddida cadaaladu waxba kala socon arinta ay ku hadleen garsoorayaashu ee faro galinta la xidhiidha ee guddoomiyayaasha maxkamadaha qaarkood ay ka hadleen arintaasi guddida cadaaladu hore waxba uga lamay socon sidii madaxwaynaha qaranka oon u mahad naqayo uga hadlay arintaas ee u mada iyo garsoorka somaliland ku war galiyey inuu diyaar u yahay inuu wax ka qabta cid kasta oo garsoorka soo fara galisa.
“waxa uu madaxwayne siilaanyo aniga iga balan qaaday inuu wax ka qabanayo masuuliyiinta qaranka ee sifaha sharci darada ah u dhexe gasha madaxwaynahuna waa kii warbaahinta arin kaas ka balan qaaday waanan ugu mahad naqayaa madaxwayne aniga oo ku hadlaya magacii guddida cadaalada iyo kii garsoor kaba”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Garsoorku ma haystaa Madaxbanaani?
Garsooreyaasha iyo Qareenadda ka hawl-gala Maxkamaddaha ayaa sheegay inaanay haysan Madaxbanaani taam ah oo ay hawshooda ku gudan karaan iyo dhaqaale ku filan toona.
“Garsoorku ma haysto Dhaqaale uu si madaxbanaan hawshiisa ugu qabsan karo iyo madaxbanaanidii Dastuuriga ahayd ee uu lahaa toona, taasoo meel ka dhac ku ah qaranka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Qareen ka hawl-gala Maxkamaddaha.
“waxaanu maalin walba shaqadayada ka wadan kari la’nahay warqad uu soo qoray Inan yar oo Bilays ahi, markaa halkeebay cadaaladdi ka imanaysaa”sidaasi waxa sheegay Qareen M. Cabdiraxman oo Gobanimo la hadlay.
Qareenadda ayaa iftiimiyay in Dacwaddaha Xukuumaddu dhinaca ka tahay oo lagu khasbo Garsoorku inay dhakhso u xukumaan qayb ka yihiin caqabadaha keenay culayska, isla markaana Garsoore Maxkamaddeed Xukun ka dhan ah rabitaanka Xukuumadda ka soo saari Karin dacwadaha noocaasa.
Hase ahaatee Guddoomiyaha guddida cadaalada Somaliland iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo labadooduba ka tirsan Guddida qaran ee Cadaaladda ayaa ku doodday Maanta in Garsoorka dalku madaxbanaani ku filan u haysto shaqadiisa.
“Garsoorka somaliland wuu haystaa madax banaani boqolkiiba boqol ah ma jirto cid faro galin ku haysaa masuulkaas hada cabashadiisu nasoo gaadhayna mooyaane sidii madaxwaynaha somaliland sheegayna anaguna waxaanu u gudbin doono madaxwayna”sidaasi waxa yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.
Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa sheegay “Garsoorka somaliland waxa uu haystaa madaxbanaani ka wanaagsan kii dawladii hore ee uu Madaxwaynaha Ka Ahaa Daahir Riyaale Kaahi waxaanan odhan karaa ragas ku hadlay afka garsoorayaasha waxa ay ku kaceen gaf waxaanan bahda garsoorka u sheegayaa in ay guddida cadaaladu masuul ka tahay tabashada garsoorka isla markaan ay waajib ahayd in ay cabashadooda usoo gudbiyaan”.
Awoodda Dastuuriga ah ee Waaxda Garsoorka
Qodobka 97 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u damaanad qaadaya madaxbanaanida Garsoorka.
“waxa Qaranku yeelanayaa waax Garsoor uu hawsheedu tahay u gar-naqa u dhexeeya Dawladda iyo dadka iyo dadka iyo dhexdooda”sidaasi waxa dhigaya Farqada koowaad ee qodobka 97 ee Dastuurka.
Isla farqadda labaad ee qodobkaasi ayaa qeexaya hawl gudashada iyo waajibaadka Garsoorka “Waaxda garsoorku waxay hawsheeda u gudanaysaa si waafaqsan Dastuurka, iyadoo ka madaxbanaan waaxyaha kale ee Qaranka “ayuu dhigayaa Dastuurku.
Tuhunno hore oo soo shaac baxay
Sidaasoo ay tahay maaha markii ugu horaysay ee ay dibada u soo baxdo eedeynta xukuumadda looga soo jeediyay faro gelinta Garsoorka , balse tani waxay ahayd dareen wakhti dheer bulshadu qabtay oo soo shaac baxay .
Maxkamaddaha Somaliland ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay xukumay Dacwaddo xukuumaddu dhinac ka tahay oo tabasho weyn laga qabay, kuwaasoo qaarkood inay cadaaladda ka fogyihiin loo arkayay.
Xukunaddaasi waxa ka mid ahaa kii lagu xukumay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex iyo agaasime Guud oo lagu eedeeyay Lunsiga raashin Mucaawimo ah, kuwaasoo dacwadoodda loo arkayay mid siyaasad salka ku haysa iyo dacwado kale oo ka dhexeeyay ashkhaas rayid ah, Suxufiyiin iyo Masuuliyiin dawladda ka tirsan.
Dhamaan Dacwadahaasi iyo kuwo kale oo ay madaxda dawladdu si dadban ugu jirtay oo Maxkamaddaha ka soo baxay ayaa lagu tilmaamayay ku dhinac u xaglinaya, iyadoo dacwadda ugu xaasaasisan lagu tilmaami karo Dacwad Ururradii ka qayb galay tartankii kala reebista Ururrada Siyaasadda ee sanadkii 2011-ku ka furteen Maxkamadda Sare ee dalka.
Dacwadaasi oo u dhexaysay todoba Urur oo Wajigii hore ee Doorashada ku hadhay iyo guddida Diwaan-gelinta Asxaabta ayaa sida la sheegay Cadaadis dheeraada madaxtooyada dalka laga saaray, taasoo dhinac sharciga lagula dagaalamayay inay soo baxaan Ururro Xukuumaddu diidanayd.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com