Hargeysa(GNA):-xisbiga cadaalada iyo daryeelka Somaliland ayaa ka hadlay martiqaad rasmi ah oo hogaanka xisbigaasi ka helay ka qayb galka shir ay qaban doonto dallada caalamiga ah ee Socialist International.
Shirkan ayaa lagaga hadli doonaan qodoba la xidhiidha nabad galyada, xalinta khilaafaadka, dimuqraadiyada,dawlad wanaaga iyo qodobo kale.
Xisbiga Ucid oo warsaxaafadeed uu arintaas kaga hadlayo ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan “Waxaanu War Saxaafadeedkan ku cadeynaynaa in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo WakiilkaSocialist International (SI) iyo Midawga Yurub (EU) ee Xisbiga UCID Md: Siciid Cumar Axmed (Siciid Ucid) Ay ka qayb gali Doonaan Shir Wadamada Africanka Ah Ee Xubnaha Ka Ah Dallada Caalamiga Ah Ee SocialistInternational (SI) Shirkaas Oo Dhacaya 28—29--- March Kuna Beegan Jimacaha Iyo Sabtida Soo Socda
Shirkaas Oo Socon Doona Mudo 2 Cisho Ah isla markaana lagaga hadli doona wax yaabo badan Sida Nabadagalyadda, Xalinta Khilaafaadka,Dimuqraadiyada,Dawlad Wanaaga,Dhaqaalaha,Horumarka,Shirarkii Hore Waxyaabihii lagaga Hadley Iyo Shirka Kan Ku xiga Halka Lagu Qaban Doono
Waxaa Kale Oo Gudoomiyahu La Kulmi Doonaa Jaaliyadda Reer S/land Ee Ku Sugan Tanzania iyo Xisbiga Dawlada Tanzania Ee La Yidhaahdo CCM.
Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ugu Baaqayaa In Shirarka Noocan Oo Kalihii Uu Guul U Yahey Qaranka Jamuuriyadda Somaliland Isla Markaana Warbaahinta Dawlada Ka Siidaayaan Oo Aad Meel Fog Wax Ka Eegtaan
Allaa Mahad
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid: Yuusuf Kayse Cabdilaahi
