Saturday, March 8, 2014

Somaliland: Xidhiidhka Kubbadda oo soo bandhigay Sharci ku-meel gaadh ah


wHargaysa (GNA)Wasiirka wasaaradda dhalinyradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland  Md. Cali  Siciid Raygal ayaa   maanta ka qeyb galay shir halweed gudidda xidhiidhka kubbada Cagta Somaliland ku soo bandhigayeen shuruucda kubbada Cagta oo ku meel gaadh ah.




xidhiidhka k munasibadaasi oo ka qobsontay xarunta  wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha  waxa  ka qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Md.  Maxamed  Xuseen Dhabeeye,  agasimaha waaxda ciyaaraha,  gudidda  xadhiidhka kubbada Cagta iyo kooxaha heerka koowaad  iyo musuuliyin kale.




Shirkan oo  lagu naaqishayay  shuruucda ku meel gaadh ah ee ciyaaraha, ayaa  waxaa  ugu horayn  halka ka hadlay  Sacda Maxamed  Shirre oo ah xoghayaha  xidhiidhka kubbada Cagta ee Somaliland oo sheegtay in uu yahay kulankani mid  mihiim  u ah kooxaha kubbada Cagta.




 Guddoomayaha  xidhiidhka kubbada Cagta C\laahi  Khayre Gacal oo isna halkaasi ka ahdlay waxaa uu sheegay  inay yihiin guddi ku meel gaadh ah intii ay jireene ay qabteen  waxyaabo badan, kuwaasi  oo ay ka mid yihiin shuruucda maanta laga hadlayo iyo arrimo kale.




 Agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed oo isna halkaasi ka ahdlay ayaa dhankiisa sheegay  in loo baahanyahay inay dhaqan gasho waxyaabaha ka soo baxay kulankani,  waxaanu intaasi raaciyay   in wax laga bedeli karo waxna lagu dari karo.




Agsimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Maxamed  Xuseen Dhabaye oo isna halkaa ka hadlay  waxa uu sheegay  in la kala xadaynayo kooxaha kubbada  Cagta,  iyadoo la raaci doono shuruucda caalamiga ah ee u dejisan ciyaaraha.




Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha Md. Cali  Siciid Raygal  oo  gebagebada kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay gudidda  xidhiidhka kubbada  Cagta mudadii yarayd ee   ay jireen  hawsha ay qabteen, taasi oo ah  mid aad u mihiim ah,  waxaanu sheegay wasiirku  in uu la shaqayn  doono ka wasiir ahaan gudidaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office