Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Sharif Saleh Maxamed Cali
Mogadishu,March 22, 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M. Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Sharif Saalax Maxamed Cali oo ahaa hogaamiyihii Qoreyaasha Afka Soomaaliga 1972, kaasoo AHN shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali ayaa soo noqday, ka sekow qoristii Afka Soomaaliga, Wasiirkii Tacliinta sare ee dawladii Siyaad Barre, Gudoomiyihii Jaamacada Umadda Somaliyeed,diblomasi soo maray safaaradaha Somaliya ee Masar, Talyaaniga, Shiinaha iyo Ingiriiska.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku yiri dhambaal tacsi ah oo laga soo saaray Aqalka Madaxtooyada Maanta oo Sabti "Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Sharif Saleh Mohamed
Ali oo xilal qaran oo kala duwan soo qabtay. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN."ayuu yiri Madaxweynuhu.0
Kumuu Ahaa Shariif Saalax?
Marxuumka ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, waxase xilka ugu muhiimsan ee lagu qadariyaa ahaa Guddoomiyihii Guddida Qoreyaasha Afka Soomaaliga oo ayaatiin waaray iyo waxtar muuqda laga dhaxlay.
Dadka aqoonta shakhsiga ah iyo ta guudba u leh ayaa ku tilmaamay geed ka mida Tiirarka aqoonyahanka Soomaaliyeed oo god-galay.
Khabiirka saxaafadeed Cabdi Xaaji Goob-doon oo ka mida dadka aqoonta weyn u leh Marxuumka ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta Dawlada heegay inuu shakhsi aad u dad jecel oo aan iskala weyneyn kuwooda danta yar laguna xasuusan doono hogaankii uu u ahaa gudigii qoray Afka Somaliga.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com