Boosaaso(GNA)-Maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee Golis ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Siciid Aadam Axmed loo magacaabay maareeyaha guud ee shirkaddaasi,kaasoo bedelaya Sheekhdoon Cali oo si ku-meel gaarnimo ah u waday shaqada Maareeye nimo ee shirkadda Golis muddooyinkii u dambeeyay.
Maareeyaha Cusub ayaa la kulmay dhammaan shaqaalaha shirkadda isagoo ay kulankaasi ku weheliyeen maamulka sare ee shirkadda Golis, kuwaas oo gaarsiiyay shaqaalaha go’aankii maamulka sare ee ahaa in “ Siciid Aadam Axmed” loo magacaabay maareeyaha guud ee shirkadda Golis.
Wuxuu maareeyuhu sidoo kale la kulmay maamulka shirkadda ee ka hawl gala dhammaan gobolada Puntland,Hoggaamada,Agaasimayaasha, iyo dhammaan madaxda qaybaha kala duwan ee maaamulka shirkadda,si loo gaarsiiyo go’aankii maamulka sare ee ahaa in Siciid Aadam Axmed uu yahay maareeyaha guud ee shirkadda Golis.
Siciid Aadam Axmed ayaa ah shakhsi ku xeel dheer maamulka iyo agaasinka,waayo aragnimo dheerna u leh dhinaca maamulka lacagaha iyo maaliyadda.
Waxa uu muddo 10 sano ah ahaa maareeye ku-xigeenka shirkadda Golis.
Siciid Aadam Axmed wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii “SIDAM” wuxuuna ku takhasusay maamulka iyo maareeynta,isagoo jaamacadda ka horna dhamaystirtay Schoolka Beeraha sannadku markuu ahaa 1983.
Maareeyaha Cusub ee shirkadda Golis ayaa ka hor shirkadda inta uusan ka hawl galin maamule ka ahaa shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Xilligii dawladda Soomaaliyana wuxuu shaqaale maamul ka ahaa wasaaaradda maaliyadda ee dowladdii siyaad Barre.
Maareeyaha Cusub ee shirkadda Golis ayaa tababaro la xiriira maamulka iyo maareeynta leh,isagoo isla markaa ku dadaalay intii uu ku guda jiray shaqada in uu helo aqoon xiriir la leh hawsha uu hayo.
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com