Sunday, March 9, 2014

Saleban Jaamac: lacag wasaaradda Maaliyadu leedahay oo la lunsaday ma jirto”.


Warsaxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda..




salebanHargeysa(GNA)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa beenisay  jirirtaanka war sheegayay inay Wasaardda Duulisutu leexsatay Lacag Kumaan dollar ah oo ay ka qaadi lahayd Shirkaddaha Duulimaadyada, taasoo ah Cashuurta cusboonaysiinta Liisamada.




Wargeyska Haatuf ayaa maanta bogiisa hore ku daabacay Warbixin arrintaasi la xidhiidha, isagoo soo xiganaya ilo xogogaal ah.




Warsaxaafaddeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa lagu sheegay in lacagtaasi uu wargeysku sheegay in la lnsday ay qaaday Wasaaradda maaliyadu, kuna dhacday qasnada qaranka.




 “ Wasaaradda Maaaliyadda Somaliland  iyadoo tix raacaysa war ku soo baxay wargeyska Haatuf Cadadkii 3543 ee




soo baxay 6/ March/2014, oo ciwaan looga dhigay “ Wasiirka Duulista Hawada Oo Sifo Sharci Daro Ah Kula Wareegay Dakhli Ay Wasaarada Maaliyaddu Lahayd Oo Lagu Qiyaaso Kumanaan Dollar.”




Waxa ay Wasaaradda Maaliyaddu halkan ku cadaynaysaa in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaasina aanay jirin wax dhakhli ay wasaaradda maaliyadu leedahay oo ay qaaday wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland.




Wargeyska Haatuf waxa uu qoraalkiisaas ku sheegay in Wasaaradda duulistu ay lunsatay lacag dhan $60,000 (lixdan kun oo dollar) oo ahayd dakhli ay leedahay wasaarada maaliyadu  sanadkan 2014-kii, oo ah Fee sanadeedka cusboonaysiinta ruqsada (license) shirkadaha Diyaaraddaha.




Hadaba Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay shacabka Somaliland iyo Saxaafadda-ba u xaqiijinaysaa in warkaasi uu ahaa mid aanay waxba ka jirin, lacagtaasi cusboonaysiinta ruqsada (license) ee laga qaado shirkadaha Diyaaraddaha ay tahay lacag ay qaaday Wasaaradda Maaliyada Somaliland kuna dhacday qasnada Qaranka.”ayaa lagu yidhi.




ALLA MAHAD LEH.




Saleebaan Jaamac Diiriye




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda JSL.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada oo la xidhiidha arrinta lacagtan lala xidhiidhiyay inay qaado.