Markii tijaabo mug iyo miisaan leh laga qaaday cunista qaadka iyo hab dhaqanka uu leeyahay ninka qaadka cuna ayaa waxaa la ogaaday inay qaadka saaran yihiin saddex nin oo saddex magac oo kala duwan leh waxaanan u soo qaadan doonaa mid mid isla markaana uga hadli doonaa waana kuwan hoos ku yaale bal hada ila dhugo oo ila eeg waxaa laga yaaba akhriste inaad igaga duwanaato aragtidan oo aad si kale aaminsantahay waana sidan hoos ku taala.
1: Ninka ugu horeeya ee qaadka saaran ama ku dhexjira ama ka dhex baaqaa waa ninka lagu magacaabo SAHAL, sababta uu magaca ula baxayna waa isaga oo door wayn oo mug leh ka ciyaara qaadka iyo cunistiisa, tusaale ahaan waxaad imanaysaa suuqa wax lacag ahna mahaysatid waxaad tahay xayraan busaarad san balse uma jeedid lacag la,aantaada ee waxaa kuu muuqata isla markaana ku wada oo dabada kaa riixaaya waa qaadka waayo waxaa la joogaa wakhtigii qaadka laqaadan rabay waxaan isaga ahayn oo ku marayaana ma jiraan sidaa awgeed waxaad wada tashi dagdag ah lagalaysaa ninkii lagu magacaabi jiray SAHAL waxaa uu kuu soo jeedinayaa talo oo waxaa uu ku dhahayaa waar warwarka jooji oo islaantii ama ninkii qaadka aad ka qaadan jirtay u tag waxaad dhahdaa qaad i amaahi waxaan kuu keeni galabta shanta kaana daahi mayso waanan hubaa waayo waxay ii taalaa daaskii hebal balse waayara maqan yahay waa uu soo noqonayaa markuu sidaa u soo noqdo ayaan kuu soo qaadi doonaan ee walal i amaahi gabadhii qaadlayda ahayd ama ninkii qaadlaha ahaana waa siinayaa ama waa siinaysaa sidaasuu ku qaadanayaa bal hadaba u fiirso sheekadan ninka xaliyey ee ninkan u macaaneeyay inuu been ku qayilaa waa ninkii SAHAL ahaa waa shaydaan maryoole jarkaa tuuraaya sidaa ayuu qaadkii ku qaatay maxaa xigaaya waxaa xigaaya inuu markay wakhtigii balantii gaadho uu baxsado balan kiina ka baxo sidaana tuug beenaale ah lagu qoro maxaa sidaa ku kalifaaya qofka waa bilaa damiir waa nacas ama doqon waa miyir laawe maalinta danbe ayaa waxaa laga helayaa suuqa markaasaa nasab cay gadhka loo galinayaa balse wax naxaaya maaha waayo waa nin waalan nin waalanina malaha damiir.
2: Ninka labaad ee qaadka saaran waxaa lagu magacaabaa FARXAAN ninkan waxaa la arkaa kaliya marka sheekada ninkii sahal ahaa soo salaxo isla markaana qaadka aad soo qaadato ee aad fadhiisato takhsiintana aad buurto midhadh sigaar ahna aad nuugto laba bigays ahna aad ku dhufato ee dhidid horaadku kaa soo butaaco xiligaasi isaga ah waxaa dawr wayn ka qaata mirqaanka waxa loo yaqaano kaasi oo anuu aan u aqaano waali waa ninkaasi FARXAAN waxaa uu soo dhigaa mooshino ama figrado wada wacan waxaa uu kuu sheegayaa inaad tahay nin sare waxna aanay kaa maqnayn dadkana aad aduu ugu sarayso naftaadana waxaa uu galinayaa farxad badan oo been ah waana ku lunshaa hadaba waxa is waydiintu tahay intee in leegbaa farxadaasi sii jiraysaa? jawaabtu waa inyar kaliya waxay jiraysaa inta aad qaadka daaqaysa oo kaliya balse markaad dhamaysato hawlo kale ayaa bilaabmaya oo waxaa isa soo xaadirin doona ninka saddexaad ee aan sheegi doono.
3: Ninka saddexaad waxaa lagu magacaabaa YABAAL ninkani waxaa uu isa soo xaadiriyaa isla markaana doorkiisa ciyaaraa marka qaadku dhamaado ee la mirqaan daayo hadalkuna gabaabsi galo ayaa nin waliba isaga ayaa hoos iskula faqaaya markaasaa waxaa lagu soo ururshaa warwarkii aduunka oo dhan waxaa hor yimaada beentuu qaadka ku soo amaahday waxaa kale oo horyimaada hayn yaraantiisa waxaana uu isku muujiyaaba inuu yahay bilaa nasiib dabeeto siduu iskula faqaayo ee uu maskaxda u rogrogayo ilayn ninkii yabaal ahaa ayaa meesha ka ariminaayee waxaaba laga yaabaa in uu ku dhufto dhiigkar ama faalij ama uu maryahaba dhigto oo waasho.
Sidaa awgeed saddexdaasi nin ee aan soo sheegnay way wada shaqaystaan waana saaxiibo mana kala tagaan midba midka kale ayuu kubada u soo salaxaa laakiin waxaa ka xun ninka ka dhagaysanaaya qusacfalaadka ay wadaan iyo beenta ay wadaan.
waxaanan soo jeedinayaa waar waad aragtaanoo bahalkan qaadku waa ina waalay oo maskaxdeenii yio maalkeeniiba waa la dagay isla markaana waxaa uu inoo weeraray caafimaad ahaan waxa uu dad waalay waad aragtaanee go.aan ka qaata oo iska daaya, isla markaana nafihiina iyo lafahiina u tudha.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)