Kooxda AS Roma ayaa qiratay inay ku guul dareesatay sidii ay kubad qaabeeyaheeda reer Bosnia ku ceshan lahayd marka uu xili cayaareedkan dhamaado sidaa darteed naadiga ka dhisan caasimada dalka Talyaaniga waxay ka dhawaajiyay in Miralem Pjanic ay ku wareejin doonto naadiga PSG oo xiiso gaar ah u qabto xidigan horey Lyon ugu cayaari jiray, wararka ayaa intaas ku daraayo in Roma dhankeeda ay PSG ka sugi doonto in lagu wareejiyo xidiga reer Argentina Javier Pastore oo ku fashilmay inuu la qabsado Ligue 1 France, inkastoo kooxaha badan ay ku raad joogaan saxiixa kubad qaabeeye Miralem Pjanic hadana Roma waxay faa’iido u aragtaa inay Paris wada xaajood la furto si ay Pastore kaga hesho.
Pjanic oo 23-jir ah ma doonayo inuu Roma baaqi kusii ahaado waxaana u gacan haatinayaan kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, Man United, Chelsea iyo Man City balse naadiga PSG ayaa diyaar u ah inay dhamaan kooxahaas ka dul qaado waxayna dhigeeda Roma ku wareejin doontaa Javier Pastore iyo €15m oo dheeraad ah taasi oo fududeen doonto in Pjanic uu caasimada dalka France usoo guuro marka uu xili cayaareedkan dhamaado, macalinka kooxda Rudi Garcia ayaa qirtay in kooxdiisa aysan ceshan karin xidiga reer Bosnia sidaa darteed wuxuu siweyn usoo dhaweeyay qorshaha badalkiia lagu keeni doono Javier Pastore oo horey kooxda Palermo ugu cayaari jiray si wanaagsana u yaqaan Serie A-da.