Waxgaradka Ciise oo madaxweyne Siilaanyo kula Garnaqsaday in xaqoontigaas la dejiyo Lughaya iyo go’aanka uu iska taagay”
Saylac(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa saaka ka ambo baxay Magaalada Saylac oo ay xalay u hoydeen.
Intii uu Saylac joogay waxa uu xalay la kulmay Oday dhaqameedyada Beesha Ciise oo ay ka wada hadleen muranka ka taagan Deegaamaynta qaxoontiga laga soo celinayo dalka Djibouti , dadkaasoo dawladdu qorsheysay in Lughaya la dejiyo, balse ay si adag uga soo horjeesteen Beesha Gobolka Awdal.
Ilo-wareedyo ku dhadhow kulanka labada dhinac ayaa sheegay in Madaxweynuhu garnaqsi xoogan oo arrintaasi la xidhiidha kala kulmay Deegaanka Ciise, isla markaana Odayaasha uu la kulmay ka dalbadeen inay xukuumaddu fulin ku dejiso qaxoontiga Lughaya.
Madaxweyne Siilaanyo oo sida la sheegay shalay reer Boorama uga digeen in lughaya dad xaqoonti ah la dejiyo, ayaan wax go’aan ah oo cad ku qancin Madaxdhaqameedka, balse ka dalbaday inay guddi toban xubnood ka kooban iska soo saaran, Guddidaasoo uu Hargeysa ku casuumay.
Waxgaradka Reer Saylac ayaa la sheegay inay ka aqbaleen Madaxweynaha arrintaasi.
Axmed Siilaanyo ayaa Guddida Beesha Ciise iska soo saarayso kula balamay Magaalada Hargeysa muddo aan cayimnayn oo ka bilaamaysa marka uu safarkiisa soo dhamaysto.
Si kastaba ha ahaatee Dawladda Djibouti ayaa dabadda ka riixaysa qorshaha lagu soo rarayo qaxoontiga.
Gobanimonews
Saylac Office
Email: editor@gobanimonews.com