Friday, March 21, 2014

M/weyne Gaas oo booqanaya Laas-qoray iyo halista colaad ka Qarxda Sanaag.Daawo


Colaad fursad lagu siinayo Al-shabaabta Galgala ayaa ka dhalan karta yooyootanka xudduud..




Kala qaybsanaanta siyaasaddeed ee Dadka Reer Maakhir..




Daraawiishta Puntland oo isku fidinaya Badhan..




Somaliland oo horumarinta Sanaag Bari u qoondeysay Hal Milyan oo Dollar?Warbixin




vlcsnap-2014-03-21-12h49m19s150 Boosaaso(GNA)-Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Deegaamada Gobolka Sanaag, sii uga jawaabo  imaanshiyihii Madaxweynaha Somaliland ku tegay Laasqoray.




Yooyootan dhanka xuduudka ah oo Garoowe iyo Somaliland muddo dheer u dhexeeyay ayaa u muuqda mid iminka dib u soo laba kacleeyay, ka dib markii uu safar ku maray Degmada laasqoray Madaxweyne Axmed Siilaanyo, horena ay labada dhinac ugu wada hadleen gacan ku haynta Gobolka Sool.vlcsnap-2014-03-21-12h49m50s208




Cabdiwali Maxamed Gaas oo Maanta booqday Gobolka Karkaar ayaa caawa ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo la filayo inuu Maalmaha soo socda u sii gudbo dhinaca Gobolka Sanaag.




Dawladda ayaan wax war ah ka soo saarin tegitaanka Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag, hase ahaatee ilo-wareedyo ku dhadhow weftiga ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu ku sii jeedo Gobolka sanaag Ilaa deegaamada dhinaca Xeebta oo ay ku jirto Laasqoray.




Madaxweyne  Gaas oo ka hadlayay ujeedada safarkiisa Gobolka Kar-kaar oo Caasimadda Qardho lagu soo dhaweeyay ayaa yiri “halkan waxaynu isugu nimi anigoo aan madaxweyne ahayn, maantana waxaan idiin imi anigoo madaxweyne ah, markaa idiinkumaan iman inaad I soo dhaweysaan  ee waxaan idiinku inaan wada tashano, inaan baahiyihiina ogaano”ayuu yidhi isagoo boqolaal dadweyne ah kala hadlayay xarunta dawladda hoose ee Degmada Qardho.




Halkan ka Daawo:


http://www.youtube.com/watch?v=EN0ZedJU3OA


Booqashadiisa Gobolka Sanaag ee khilaafku kala dhexeeyo Somaliland , ayaa imanaysa xili ay Shacbiga Puntland si weyn uga cadhoodeen booqashada weftiga Somaliland ku tageen Laasqoray, isla markaana si weyn ugu dhaliilayaan Maamulkiisa jawaab celin la’aanta arrintaasi.




“Madaxweyne Cabdiwali Gaas wuxuu raacayaa nidaamkii hore ee Faroole, wax uu kaga duwanyahay oo ii muuqdaa ma jiro, isbedelka uu sheegayay oo Olole, laakiinse wax uu kaga duwanyahay hogaamintii faroole ma jirto”ayuu yidhi Cabdiqaadir oo ka mida dadka qurbaha degen ee Reer Garoowe.




“faro gelinta Madaxweynaha Somaliland ku soo sameeyay dhulka Puntland, waxa ku ceebaysan Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha Gudaha, labaddaa nin ayaa dayacay shaqadoodii oo puntland dhaawac  u geystay”ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiqaadir Feedho yare oo degen Waqooyiga Maraykanka.




Kala qaybsanaanta siyaasaddeed ee Dadka Reer Maakhir




Siciid Qaasim Samar oo  ka soo jeedda Gobolka Sanaag ayaa sheegay inaanay bulshada deegaankiisu wali Madaxweyne Gaas ka helin wixii uu u balanqaaday xiligii Ololaha Doorashada, waxaanu intaasi ku daray inay mushkilad ku tahay shacbiga fuli la’aanta balanqaadyada siyaasiga ah.




“Kaadi baddani waa loo gogol badiyaaye Bariga Sanaag waa Puntland, inta ay Somali qabiil qabiilka u kala maqantahayna annagu waxaanu nahay Puntland, laakiinse maamulka Cabdiwali Gaas waxa laga rabaa inay shacbigooda difaacaan oo ay fuliyaan balanqaadyadii uu sameeyay”ayuu yiri Siciid Qaasim Samar oo ah Mawaadin u dhashay Deegaamada Maakhir.




Hase ahaatee Wasiir ku-xigeenka Macdanta ee Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan oo ka mida Siyaasiyiinta Bariga Sanaag ka soo jeeda ee Xukuumadda ka tirsan, ayaa si adag u difaacay eeddeymaha maamulka Puntland booqashadii Laasqoray uga soo jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa.




Cabdisalaan Maxamed Xasan oo shalay Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii ka soo laabtay safar uu dibada ugu maqnaa ayaa sheegay in laasqoray ay tahay Deegaan Somaliland, madaxweyne Siilaanyona mar kale tegi doono.




'' Nin Garoowe ka hadlayay oo Wasiirka Warfaafinta Puntland sheeganayay oo booqashaddi Madaxweynaha ee Laasqoray ku sheegay mid iska soo gelis ah oo aan qorsheysneyn waxan leeyahay  iska hadloow ina igare way qorshaysnayd waqtiguu ugu tala galay Madaxweynuhu buu joogay mashaariic buu ka dhagax dhigay isagana xadhiga ka jaraya oo wuu kusoo laabanayaa''.




Daraawiishta Puntland oo isku fidinaya Badhan




Ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland ayaa labadii Maalmood ee ugu dambeeyay isku fidinayay deegaamo hoos yimaada Degmada Badhan iyo Hadaaftimo, kuwaasoo shalay la wareegay gacan ku haynta Degmadaasi iyo aagag kale, sida ay Goob-joogeyaal u sheegeen Gobanimonews.




Taasi waxay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada Dawladda Puntland kaga jawaabayso waxay ugu yeertay faro gelinta dhuleed ee Somaliland.




Ciidamada Puntland ayaa Degmada Badhan ka soo caydhiyay Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed iyo Guddoomiyaha gobolka Badhan, kuwaasoo halkaasi u tegay dhaqaajinta Mashaariic horumarineed oo xukuumddu ka fulinayso Dhawr degmo oo Gobolka tirsan.




Somaliland oo horumarinta Sanaag Bari u qoondeysay Hal Milyan oo Dollar




Dawladda Somaliland ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay u qorshaysay in lagu fuliyo Mashaariic horumarineed oo laga hir-gelinayo degmooyinka Bariga Sanaag lacag Hal Milyan oo Dollar ah oo Miisaaniyadda Dawladda dhexe loogu daray.




Lacagtaasi wajigii hore waxay dawladdu bixisay nus Milyan, waxaana lagu bilaabay Mashaariic aanay xukuumaddu wali xisaab celin ka keenin, kuwaasoo ay ku jiraan Saldhigyo Bilays, Xanaanooyin iyo Sariibaddo.




Nus Milyanka kale, ayaa sida la filayo iminka gacanta looga dhiibay Wasiirrada Gobolka ka soo jeedda, inkasta oo Baahida Gobolka taalaa ka badantahay lacagta loo qoondeeyay, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo Degmada Laasqoray balanqaadyo badan ka sameeyay .




Colaad fursad lagu siinayo Al-shabaabta Galgala




Xiisad ayaa ka soo fool leh hadii yooyootanka Siyaasaddeed labada Maamul sidan ku sii socdo, waxaanay arrintu isku bedeli kartaa gacan ka hadal iyo colaad Gobolka ka curate, xili ay khatar amni daro oo labada dhinacba isha ku hayaan kaga gadaamantahay dhinaca Buuraha Cal-madow oo xarun u ah Faraca Ururka Al-shabaab ee Buuralayda Goliska.




Colaad dhex marta labada Maamul, ayaa meesha ka saaraysa wada shaqayn ay ka yeeshaan ka hortaga Kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta Galgala, kuwaasoo fursad u helaya inay labada dhan dhexdooda waddooyin cusub ka samaystaan, isla markaana ka shaqeeyaan isku dhufashada labada Ciidan ee Maamullada.




Gobanimonews




Boosaaso Office




Email: editor@gobanimonews.com