Saturday, March 22, 2014

Manchester United oo ka duulaysa xaga Difaca Si ay xili ciyareedka dambe ula soo kacdo dardar cusub


LovrenManchester United ayaa dooneysa iney is xoojiso xili ciyaareedka soo aadan madama daafacyada kooxda ay noqdeen kuwa da’da ay qabatay kadib markii xili ciyaareedkaan kooxda habacsanaan baahsan ay soo wajahday.




 




Nemanja Vidic ayaa kooxda ka dhaqaaqi doona marka uu dhamaado xagaagan madama uu heshiis la gaaray kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Inter Milan, sidoo kale Patrice Evra iyo Rio Ferdinand ayaa iyagana la filayaa iney ka huleelaan Old Trafford madama uu waxqaadkooda oos u dhacay.




 




Iyadoo ay taasi jirto macalin David Moyes ayaa u dhaqaaqay soo xerogalinta daafaca dhexe ee kooxda Southampton Dejan Lovren kaas oo ka mid ah udub dhexaadyada Southampton ee daafaca dambe.




 




Sida ay shaacisay Metro David Moyes ayaa doonaya inuu 15 Malyan Oo Euro uu kula soo saxiixdo Lovren.




 




Dhanka kale Man United ayaan wali ka harin tartanka Luke Shaw oo daafaca kaga ciyaara Southampton iyo xidiga kale ee Adam Lallana madama macalinkaan reer Scotland faraqa loogu shubi doono dhamaadka xagaagan 200 Malyan oo looga doonayo inuu kusoo xareeyo xidigo tayo wanaagsan leh oo kooxda sumcadeeda dib usoo celiya.