Daily Star ayaa shaacisay in kooxda Manchester City ay diyaar u tahay in 50 milyan kula soo wareegto daafaca bidix Ee Southampton Luke Shaw iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Everton Ross Barkley.

Tababare Manule Pellegrein ayaa doonaya inuu 50 milyan ku qarash gareeyo xiddigaha reer England Ee Ross Barkley iyo Luke Shaw si uu labaddan xidiga ula soo saxeexdo marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dib u furmo bisha June
Manchester City ayaa tartan xoogan kala kulmi doonta kooxda ay dariska yihiin Ee Manchester United iyo kooxda hogaanka u heysa EPL Ee Cheslea oo ku aadan daafaca bidix Ee Southampton Luke Shaw iyadoo labadda dhinac ay 18 jirkan u arkaan badalka ku haboon Evra iyo Ashley Cole.
Tababaraha Everton Roberto Martines ayaa cabsi weyn ka qaba inuu lumiyo xiddigisa 20 jirka ah Ee khadka dhexe ka ciyaara Ross Barkley kaa oo lala xidhiidhinayo kooxaha aadka u xifaaltama Ee Manchester City iyo Manchester United, waxan suura gal ah in Barkley uu iskaga tago Goodison Park hadii kooxdisa ay u soo bixi weyso Champions League.