Saturday, March 8, 2014

Madaxweyne Xasan Sheikh: Haweenku waa Laf-dhabarta Bulshada”.


Muqdisho, 08 Maarso 2014 –(GNA)- Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka ayaa Sheegay in Haweenka Somaliyeed kaalin mug leh kaga jiraan horumarinta Bulshada iyo nabadda.




Madaxwenynaha ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay munaasibadda, ku sheegay in Dawladda Somaliya dedaal ugu jirto sidii haweenku xuquuq ku filan u heli lahaayeen.




Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku yiri “ Waxaan marka hore u dirayaa hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibedda ku kala nool, waxaana leeyahay sii xoojiya doorkiina muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed. Haweenku waa hormuudka iyo laf-dhabarka bulshada Soomaaliyeed. Doorkii 23kii sano ee la soo dhaafayna waa mid muuqda oo ay ahaayeen hal-bowlaha carruurta iyo qoyskaba oo ay mas’uuliyada qoyska dhanka shaqada iyo dhaqaalahaba hayeen.”




 




“Diinteenna Suuban iyo dhaqankeena wanaagsan ayaa tilmaamaya muhiimada Haweenka, shacabkana waxaan uga mahadcelinayaa sida ay marwalba u karaameeyaan, u sharfaan una dhowraan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dumarka Soomaaliyeed kuwooda gudaha joogana waxey mar-walba ka shaqeynayeen sidii dagaalada iyo collaadaha loogu bedeli lahaa nabad iyo horumar. Kuwooda ka mid noqday Qurbo-joogta Soomaaliyeedna waxey hormuud ka ahaayeen sidii qoysaskooda iyo Soomaalida kaleba ay ugu soo diri lahaayeen biilkooda. Qoysaska gabdhaha qurbaha ka aadayna waxey noqdeen kuwo aan illoobin qoyskooda iyo deriskaba.”




Sidoo kale gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurba joogta waxey fursad u heleen waxbarasho oo maanta ay muuqato kaalinta ay waxbarashada gabadhaha soomaaliyeed uga jiraan, waxeyna noo tahay ammaan, dhiirigelin iyo wax lagu faano.




“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walba oo ay joogaan inay sii xoojiyaan taageerada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed oo lagu dhiiri geliyo waxbarashada, shaqada, si ay ula tartamaan haweenka adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waa inay danta guud ku midoobaan oo aragtiyaha kala duwan looga gudbaa si midnimo iyo wadajir ah. Ummad walbana horumarkeedu waxuu ku xiran yahay sida loo sharfo oo loo qiimeeyo dumarkooda.”




“Dowladda waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalkeeda ku wajahan sidii dumarka Soomaaliyeed ay u heli lahaa xuquuqahooda oo ay bulshada uga dhex muuqan lahaayeen. Waana inaan ku dhiiri gelinaa dumarka inay siyaasadda, waxbarashada iyo ganacsiga ka qeybqaataan.”




Maalinta Haweenka Adduunka ayaa laga xusay Geyiga Soomaalida.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com