Monday, March 17, 2014

Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa oo Saacaddo ku geliyeystay Xabaasha Sh. Isaxaaq.dhegeyso


Madaxweynaha iyo weftigiisa oo soo dhaweyntii Reer Ceerigaabo xalay roob kala go’doomiyay iyo dhagax dhigii Maanta ee Laamiga Ceerigaabo iyo Burco,Dhegeysi+ Sawirro




Wasiir Xirsi:"Waa waxaan Macquul ahayn ilaa la qabto, laakiinse waxaaynu arki doontaa iyadoo waddada Ceerigaabo oo Laami ah la Dul-marayo, waanay arki doonaan Qurbo-joogtii nagu handadi jiray qaadhaanka ee na odhan jiray waad cunaysaan".




IMG_2718 (1)Ceerigaabo(GNA)-Dadka ayaa sugayay ilaa afartii Galabnimo ee shalay weftiga Madaxweynaha oo ka soo caraabay Magaalada Xeebta dhacda ee MAYDH.




Madaxweynaha, Marwada Koowaad, laba Caruur ah oo uu dhalay iyo Wiil uu sodog u yahay ayaa shalay gelinkii dambe booqday Xabaasha uu ku aasan yahay Sheikh Isaaxaaq Binu Axmed, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal, hallkaasoo ay ilaa gelinkii dambe ku sugnaayeen.




Abaaro tobankii Caweysnimo ee xalay ayaa weftigu galay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka, halkaasoo ay ku beegmeen xili Roob mahiigaan ahi ka da’ayay, isla markaana dadku guryaha jirsanayeen.




Hase ahaatee dadweynaha Reer Ceerigaabo oo looga bartay soo dhaweynta Siyaasiyiinta Somaliland oo dhan xili kasta, Mucaarid iyo muxaafidba, ayaa ilaa afartii galabnimo ee shalay sugayay,balse roobku ka soo gaadhay iyagoo aan wali soo gaadhin weftiga.




Sida uu ku soo waramayo wariyaha Gobanimonews ee Magaaladda Ceerigaabo, dadweynaha reer Ceerigaabo, ayaa soo dhaweynta xalay ka baaqsatay maanta ku muujiyay banaan bax balaadhan oo aan hore loo arag, kaasoo ay dadweyne tiro badani ka qayb qaadanayeen.




Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa  saaka dhagax dhigay  bilowga Dhismaha Laamiga isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.




Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada ayaa khudbad u jeediyay kumanaan qof oo ka soo qayb galay xaflad loo sameeyay dhagax dhiga waddada.




Wasiir Xirsi ayaa Madaxweynaha Khudbadda uga horeeyay, waxaanu ka waramay geedi socodka hawlaha Qaadhaan uruurinta Waddada iyo bilowga maanta la dhagax dhigay.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweynaha-ee-Dhaqaajinta-Bilowga-Wadada-Ceerigaabo-.mp3"][/audio]




Hoos ka Daawo Sawirro dheeraad ah:IMG_2831 (1) IMG_2831 IMG_2873 IMG_2878 IMG_2892 IMG_3044 IMG_3091 IMG_3130 Madaxwyne




IMG_2718 (1)