Tuesday, March 4, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka.


IMG_1495 IMG_1499 IMG_1500Muqdisho 03 Maarso 2014 - Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii
aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu
uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. " Dowladda Ruushka
aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa
ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa
diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka." Ayuu yiri
Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay
Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo
dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri "
Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan
Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya
kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana
shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama
deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay
cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad
horumarineed."
Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay
dowladiisa si hagar la'aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto
xilkiisa loo soo igmaday. DHAMAAD

Abdirahhman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson
to the President of Somalia





Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia