Wednesday, March 12, 2014

Madaxweynaha Somalia booqday Taliska Ciidanka Xeebaha Japan


Xasan Sheekh: Qorshaheennu wuxuu yahay in aan  doorano meelaha  aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso”




IMG_2620Tokyo(GNA)-Maarso 12-2014-Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jaban ayaa maanta tegay  Dekadda magaalada  Yokohama ee Dalka  japan.IMG_2756




Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo  tegay xarunta ciidamadda  Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha  Dekadda  ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada  iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey saraakiisha ciidamada  ilaalada Xeebaha dalka Japan.




 



IMG_2455dd



Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday  Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan  doorano meelaha  aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay  xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.




Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan. IMG_2589