Dhegeyso: Laasqoray waa Magaalo Taariikhi ah,baahiya ka jirana waxbaanu ka qabanaynaa.
Dhegeyso: Reer laasqoray oo Hees ku soo dhaweeyay Madaxweyne Siilaanyo, Dareen celinta uu ka bixiyay iyo natiijada dib uga soo noqoshadiisa+ hoos ka Daawo Sawirro

Laasqoray(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Maanta gelinkii hore booqasho ku tegay Magaaladda Taarikhiga ah ee Laasqoray markii ugu horaysay afartii sanadood ee uu madaxweynaha ahaa.
Dadweyne tiro badan ayaa ku soo dhaweeyay isaga iyo wefti uu hogaaminayo Magaaladda, kuwaasoo ku qaabiley Suugaan ka turjumaysa Taageero ay u hayaan.
Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland ka socda ee Deegaankan booqda 23 sanadood, waxaanay ka mid tahay Deegaamada garab ku daaqa siyaasaddeed la leh dhanka Puntland ee Bariga Sanaag.
Hase ahaatee Bulshada Magaaladda ayaa ku soo dhaweeyay heesta “Maanta waa Maalin waynee, soo dhawoow madaxweyne”ayay ku dhawaaqayeen dadweynaha soo dhaweeyay weftiga.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa soo kormeeray goobo badan oo ka mida xarumaha adeegyada Bulshada, sida Dugsiyada waxbarashada, Wershadda Kaluunka , Xafiisyada Dawladda, Dekedda halkaasi ku taala oo ah mid qadiimi ah iyo goobo kale.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii uu kormeerkaasi oo dhamaystay meel fagaare ah kala hadlay Mujtamaca reer Laasqoray, waxaanu u balanqaaday inay xukuumaddiisu wax ka qaban doonto baahiyaha ka jira ee dhinacyada kala duwan.
Sida Caafimaadka, horumarinta waxbarashada , amniga iyo Kallluumaysiga oo uu si guud isu wada qaaday, sida lagu sheegay war rasmiya oo goor dhaweyd laga soo saaray booqashada weftiga ee Laasqoray.
Madaxweynaha ayaan Balanqaad cayiman iyo mid bilowgiisa uu goobtaasi kaga dhawaaqay toona u samayn bulshada oo dareenkoodu ku soo jeeday.
sidoo kale madaxweynuhu ma uu soo qaadin halka ay ku dambeeyeen mashaariic lacag badan oo loogu talo galay oo labadii miisaaniyadood ee ugu dambeeyay xukuumaddu ugu dartay horumarinta Gobollada Barri, taasoo Hal Milyan lacag dhan loo cayimay Bariga Sanaag oo Laasqoray ku jirto.
Halkan ka dhegeyso Khudbadda Madaxweynaha iyo heesta lagu soo dhaweeyey:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweynaha-ee-Laasqoray.mp3"][/audio]

Warka laga soo saaray socdaalka weftiga ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ugu horaynba soo kormeeray Cusbitalka Degmada Laasqoray oo ah Cusbital qadiimo ah, Mudana ay gacanta ku haysay Maamo Canab Jaamac Maxamed, Wershedda Laasqoray oo ah wershed fac-weyn ku leh dalka ahna mid soo saarta Kalluunka Qasacadaysan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Dekeda Laasqoray oo dib u habayn lagu samayn doono, isagoo balanqaaday inay door ka qaadanayso xukuumaddu.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Somaliland ee Aagaasi ayaa intii madaxweynuhu halkaasi joogay dhoolatus ku sameeyay Badda.
Geesta kale, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye oo ka hor khudbadda Madaxweynaha la hadlay reer laasqoray ayaa balan qaaday in marka uu ku noqdo Caasimada u soo diri doono gaadhi Ambulance ah.
Geesta, Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka bada, Mudane Buureed iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane Cadami oo halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahad naqay soo dhaweynta weftiga loo sameeyay.
Si kastaba ha ahaatee weftiga Madaxweynaha ayaa duhurnimadii Maantaba ku soo laabtay Magaalada Maydh oo ay xalay u hoyden, iyadoo aanay jirin wax mashruuc ah oo ay halkaasi ka fureen balanqaad mooyaane.
Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa faro gelin ku tilmaamay booqashada weftiga Somaliland ku tageen Laasqoray.
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhuumasho ku soo galeen Magaalada goor hore oo arroor ah iyadoo ay dadku hurdaan.
Waxa uu sheegay inaanay waxyaabaha noocaasoo kale ah uga dulqaadanayn Somaliland, Laasqorayna ay tahay deegaan Puntland leedahay oo aan lagu murasanayn sida gobollada kale ee Sool iyo Badhan.
Balse Laasqoray ayaa dhacda Juqureefi ahaan Dhulka ay somaliland sheegato dacalka ugu bariyeeya, waxaana dhinaca Boosaaso ka xigta degmada Ceelaayo ah oo ay marto xariijintii gumaysteyaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Hoos ka Daawo Sawirrada:

Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com