Jowhar(GNA)-Dad cadhaysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka,ka dib markii ay ka cadhoodeen Nin Ganacsade ah oo ay dhac u geysteen koox loo aqoonsaday inay Ciidamada dawladda ka tirsanyihiin.
Ciidamada Dawladda ayaa baddanaa lagu xantaa inay dadka si badheedh ah u boobaan ama dhibaatooyin kale ay u geystaan, taasoo ah cabasho soo noqnota.
Kolanyo ciidan ah oo la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Ciidanka Dawladda ayaa la sheegay inay xoog ku galeen meherad lacagaha lagu sarifo, taasoo ay markii hore ku galeen inay baadhis ka samaynayaan balse ay lacag ka qaateen, ka dibna ay ku amreen mulkiluhu inaanu ka daba hadal.
Goob-joogeyaal madaxbanaan iyo qaar ka mida dadkii mudaharaadka dhigayay ayaa warbaahinta u sheegay inay askartaasi gawaadhidooda isku gureen dabadeed hareeraha u kala yaaceen markii ay lacagta dhaceen.
Arrintan ayay sheegeen inay dadka ka cadhaysiisay, iyadoo ka codsaday dowlada federaalka in ay arintan wax ka qabato ganacsadaha laga dhacay lacagtana ay magdhaw deg deg ah siiso.
Laakiinse ma jiro ilaa hada wax war ah oo dhinaca Dawladda ka soo baxay oo arrintan la xidhiidha, taasoo u muuqata inay indhaha ka qarsanayso arrimaha noocana oo ah kuwo soo noqnoqday.
Gobanimonews
Muqdisho Office