Tuesday, March 11, 2014

Japan oo ku biirtay Raacdada Diyaarada luntay Maalin la xusayo Tsunami


Tokyo(GNA)-Dawladda Japan ayaa u diraysa Malaysia Koox ka kooban Afar xubnood oo ka qaybqaadanaya baadhista Diyaarad Malaysia leedahay oo ilaa Sabtidii la soo dhaafay la la’yahay meel ay jaan iyo baal dhigatay , ka dib markii ay ka duushay Caasimadda Kuala lumpur ee Malaysia.




Afar ka mida Shaqaalaha Waaxda Difaaca gaarka ah ee Japan ayaa Arbacadda ka dhoofi doona waddankooda si ay uga qayb qaataan gurmadka lagu raacdaynayo diyaarada.




Xoghayaha Chief Cabinet-ka dalka Yoshihide Suga said, ayaa sheegay in kooxda diyaarad khaasa lagaga qaadi doono dalka, marka ay helaan codsi Dawladda Malaysia ee arrintan la xidhiidha.




Waxay  noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay Japan u dirto Malaysia koox ka socota Waaxda SDF.




Diyaaradd Boeing 777 oo siday 239 Rakaab iyo Shaqaale, ayaa la waayay sabtidii lixdan daqiiqo ka dib markii ay duushay garoonka Kuala lumpur, waxaanay ku sii jeeday Caasimada Shiinaha ee Beijng.




Dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha, Singapore iyo Veitnam, ayaa ka qayb-qaadanaya gurmadka lagu raadinayo diyaaradaasi oo loo malaynayo in la afduubay ama ay ku dhacday Badda.




japanesDhinaca kale, hadalka ka soo yeedhay Tokyo ayaa ku soo beegmaya xili ay Maanta gobollada waqooyiga dalkaasi ka socdaan munaasibaddo loogu baroordiiqayo Dadkii ku dhintay Duufaantii tsunami ee Fukushima No. 1 ee ku dhufatay 11 Bishii March 2011.




Boqolaal ka mida dadkii ay Eheladoodu ku dhinteen masiibadaasi oo ka dhalatay Qarax mid ka mida wershadaha Nuclear-ka ayaa aroornimadii hore gaadhay xabaalihii lagu aasay eheladoodda, iyagoo qaarkood halkaasi dhigay Ubax.




Dadka qaar ayaa ku sugan Xeebta galbeed, qaarna waxay tageen Magaalooyinka dadkooda lagu aasay.