Monday, March 17, 2014

Hargeysa: Dabley Weerartay Sarkaal hore Dawladda hoose uga shaqayn jiray


sarkaalHargays(GNA) Dabley hubaysan ayaa soo weerartay Sarkaal hore uga shaqayn jiray Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa.




Agaasimihii hore ee qorshaynta dhulka ee dawlda hoose Cabdilaahi aw Cali Axmed (Ubax) ayaa sheegay inuu ka bad baaday isku day dil oo uu sheegay inay ku soo weerareen meel wax yar u jirta Gurigiisa Hargeysa goor dambe oo caawa ah.




Cabdilaahi Ubax ayaa dhawaan shaqada dawladda hoose si iskii ah isaga casilay.




Weerarka sarkaalkan ayaa noqonaya falkii afaraad ee lagu hujuumo qof shacab ah, kaasoo ay isku day dil ula badheedho cid kale oo rayid ah, waxaana hore sanadkii tegay isku day dil ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mida Golaha Wakiillada Somaliland.




Cabdilaahi ayaa qaar ka mida shabakaddaha wararka u sheegay in Ciidamo amnigiisa suga lagu wareejiyay Gurigiisa,gaadhigiisiina la geeyay xarunta C.I.D-da.