Saturday, March 15, 2014

Ha Noqon Gur-Gurshaagii Hadimada.By: Siciid Xuseen


Waxa aan Qalinka U Qaatay in aan ka Jawaabo  Warbixin Habeenkii Xalay ee Jimcaha 14/03/2014 Lagu Baahiyey Shabakada Gobanimo News Agency oo Uu Qoraray  Weriye SaLeebaaan Kalshaale  Cinwaana uu uga Dhigay Warbixintaasi. Xadiga Dhaqaalaha ku baxaya M.weyne Siilaanyo iyo Wasiirradiisa ka ololeynaya Gobollada




Hadaba Muwaadin iyo Akhriste Sida aan La Socon-no Madax –Waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxmed Maxmuud Silaanyo  ayaa  Isaga oo Gudanaya Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Waxa maalmahanba uu Booqasho Hawleed ku Gaalaminyey  Gobolada iyo Demooyinka Dalka Isaga oo Madax Waynuhu Booqashadiisa ka bilaabay Gobalada Galbeed ee Dalka. Madax wayne Silaanyo oo Booqashadiisa Gobolada ay ku Wehelinayaan   Wasiiro Badan oo Ka Mida Kuwa Ugu Miisaanka Culus Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin Qaran oo Kale    ayaa La Og-yaha in Ujeedada Socdaalka Madax Waynuhu  uu Yahay Mid Uu Ugu Kuur Gelayo Xaalada Nololeed Bulshada Uu Madax Waynaha u Yahay ee Iagu Ku Dhaqan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka oo Ah Kuwii ShaLay U codeeyey Markii UU ku Jiray  Ololhaha Madaxtin-mo Xaqna ugu Leh Madax-Waynahooga In Uu Markii Uu fursad U Helaba Uu U Yimaado Waxna ka Ogaado Xaaladooda Noololeed iyo Hadaba waxa ay Ku Sugan yihiin. Waxana aynu Ka War-haynaa Mashaariica  Horumarineed ee Baaxada Leh  Madax Wayne Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo Uu Qaarna Furtaankooga Xadhiga Ka Jaray Qaar kale oo Tiro Badan-na Uu Dhismohooga Dhaga Dhigay.Inaga oo Xusi Karna In Madax Waynuhu Maalintii Salaasada  uu Xadhiga Ka Jara Furitaanka Wadada Laamiga Cusub ah Ee Isku Xidhaysa Magaalo Madaxda Gobolka Awdal Ee Boorama Iyo Caasimada Dalka  Taasi oo Wado Cusub oo Dhismaheeda Ay iska Kaashadeen Bulshada Reer Awdal iyo Xukuumadda Dalka ee Madax Wayne Axmed Maxme Maxmuud Silaanyo Gadh-wadeenka ka yahay.Sidoo kale Waxa Aynu Lasocnaa In uu Madax waynu Uu Dhagax Dhigay Dhismaha Wadada dheer ee Isku Xidha Daleena iyo Dalka Djibouti Ee Aynu Jaarka Nahay. Sida oo Kalena Waxa uu Madax wayne Silaanyo Dhagax dhigay Dhismaha Dekadda Degmada Lughaya oo Noqonaysa Mid Wax Badan Ku soo Kordhisa Horumarka Dalka iyo Dhaqaalaha Qaranka . waxa iyana Xusid Mudan In uu Madax Wayne Silaaanyo Noqday Mada waynihii U horeeyey  intii ay Somaliland Jirtay , Socdaal Shaqo Ku Taga Magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Seleel Taasi aynu Warbaahinta  kala soconay Sidii Heerka Sare ahyad ee Bulshada Reer Selel ay Madax Waynahooga iyo Wafdigiisa U Soo Dhoweeyeen. Intaa Hadaan Halkaa Ku Dhaafo Waxa  lagama Maarmaana In aynu Iswaydiino Su,aasha ah Waa Maxay Xikmada Ka Dambaysa In Madax Waynaha ay Raacan Wasiiradan Tirada Badan iyo Masuuliyiinta Kale ee aan Yarayniba?




Taasi Jawaabteedu waxa ay Tahay   Waa in uu Madax waynaha iyo Wasiiradiisuba ay Ukuur Galaan Xaaldaha Dhabta ah ee Ka Jira Gobolada iyo Demooyinka Dalka oo Bulshada si Dhaba  ay Madx Waynaha H ortiisa Wasiirada ugula Hadli Karaan Tabashdooda iyo Baahiyaadkooda  iyo sidii Wasiir walba si Mugleh ugu Ogaan lahaa waxii Baahiyaada ee isaga Wasaaradiisa Khuseeya ee Halkaasi Ka jira. Markaa Miyaanay Waxa Lalayaabo Lagu Qoslo ahayn Marka uu Kalshaale Leeyahay  Wasiiradii Dalku Waxa ay  Daba Yaaceen Madax waynihii oo Gobolkii Ayey Faaruqiyeen. Talo Wasiiradu Ma Hargaysa ayuunbay Wasiiro u Yihiin oo Ay Xilka U Hayaan, Mise  Dalkuba W aa Hargaysa oo Qudha,  Bulshadase Gobolada iyo Degmooynku Miyaanay Xaq u La hayn in Ay  Wasiiradoodu U yimaadan oo Xaaladahooda  Wax Ka oo Gaadaan Wax ka Qabashada Baahiyaadkoodana kala Hadlaan Wasiiradooda Wa Su,aale Akhriste Dadkaasi Xaq Ma u Leeyihiin Mise U malaha? Waa Ta Labaade  Qasnadda Dawlada Maxaa Dhaqaalaha loo Ridaa Saw Maaha in Qaranka iyo Muwaadiniinta Wax loogu Qabto oo Cashuurta Dan yarta Laga Qaado Iyaga Dib loogu Celiyo  Wax loogu Qabto? Hadii Jawaabtu Haa-tahay Sida ay Ku Suuroobaya Miyaanay Ahayn In Xukuumaddu Madax Wayne iyo Wasiiraba ay Si dhaba ugu Kuur Galaan oo Indhooga Ku Soo Argaan  Wadciga Dabta ah iyo Waayaha Xaqiida ah ee Ka Jira Gobalda dalka iyo Deegaanad Kale Caasimada aan ahayn ,Sila markaana uu Madax Waynaha iyo Wasiiradiisu ay  Dhegohooda Ku soo Maqlaan Tabshada Muwaadiniinta iyo Wax yaabaha ay Ka Cabanayaan iyo Arimaha  ay Codsanayaanba Muwaadiinta si.  Waxana Warbintaasi uu Kalshaale Qoray Si Cad uga Been Abuuray Wasiirka  kaluumasiga Mudane Cali Jamac Farax Buureed uu Sheegay In uu Wafdiga Madax waynaha kaga Biiray Magaalada Ber-Bera . Halka Xaqiidadu Tahay In  Wasiir Cali Jamac Ila Maalintii Kowaad Ee Socdaalka Madx-Waynah uu ku Wehelinaayey Shaashadahana aynu Ka Arkaynay Wasiirka oo Ka Hadlaaya Dhagax-dhigii  Dekada Lughaya iyo Kulankii Madx-Waynahay iyo Wafdigiisu La Yeesheen Bulshada Reer Saylac.




 Hadaba Muwaadin Miyaanay Ceeb iyo Wax Laga Xishoodo ahayn In uu Suxufigii Ay ahayd In uu Nodo Afhayeenka Bulshada  ee Xaqeeda Si Wanaagsan Mihnadiisa War-Fidiyeenimo Ugu Baadi Dooni Lahaa  In uu Ka HorYimaado  Horumareeda Xukuumada Dalkana  Ku Weeraro Wax u qabashadeeda Muwaadiniteeda. Sideese Aynu Bulsho ahaan ugu Kalsoonaan Karnaa Wararka iyo Warbixinada Sidan oo Kale ah Weriye Kalshaale iyo kuwa kale e La Midka A h Inaga oo Og  In Hab Dhaqanka Suxufiga ay Ka Reebantahay Beenta iyo Wax yaabaha Bulshada Kala Fogaynay:




Wabilaahi Tawfiiq




Weriye Saciid Xuseen Riraash




Email. Sahan.horumarka.jsl@gmail.com




Tell:+4818337 Hargaysa