Sunday, March 2, 2014

Guddoomiyahan Fadhiidka Ah Kuwa Faaninaayow Degmadeenan Faaligan Ma U Fiirsateen Wali?


 AAA




Guddoomiyahan Fadhiidka Ah Kuwa Faaninaayow Degmadeenan Faaligan Ma U Fiirsateen Wali, Mise Waa Wax Kula Fudud Inay Bahalo Feentaan




W/Q : Garaad Sayid Haaruun Aw xuseen Shide




 




Ka hor intaanan guda galin mawduuca ciwaankiisa aragtaan, waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan ummadda reer Somaliland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Taliyihii saldhigga ciidanka Tuulada Laan mulaaxo ee degmada Xaaji saalax, Hurre Sahal  Dubbad Alle ha u naxariisto qaraabadana samir iyo iimaan ayaan leeyahay .anigoo ah Garaadka Dhalinyarada Beesha habaryoonis, Garaad Sayid Haaruun Aw Xuseen shide, Xukuumada iyo odayaasha Somalilandna waa inay iska kaashadaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa  Danbiilayaasha falka dilka ah ka danbeeyey,




Dhammaan Shacabka reer Somaliland waxaan uga digayaa inay ku kacaan falkan oo kale oo ah mid aan diinta Islaamka sal iyo raad toona ku  lahayn.Hadaan gudagalo mawduucan kor ku xusan waxaan fariin u dirayaa dhammaan cid kasta oo liddi ku ah horumarka degmada Sabowanaag waxaan leeyahay hala idinka helo ku dhaqanka xadiiskii Rasuulka (csw) uu yidhi: [Iimaan ma laha ninka aan walaalkii la jeclaan waxa uu naftiisa la jecel yahay], waxaan idiinka digayaa laba arimood, mida hore ku dhaqan la’aanta xadiiska ah, mida labaad ku adkaysiga dib-u-dhaca dagmada Sabowanaag,




Waxaan Alle idiinka rajaynayaa inuu idinka siiyo meel kale wixii idiin khaas ah.Waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarada Tabantaabo anigoo ku dhaqmaaya xadiiskii Rasuulka (csm) uu yidhi: [qofka aan dadka u mahadnaqini Allena uma mahadnaqo] waxaan leeyahay Alle ha idin tabtaabiyo inta aad arimaha bulshada tabantaabinaysaan xaqiiqdii waxay mudan yihiin ku dayasho wanaagsan, waa in lagaga daygaa ka shaqaynta horumarka degmada Sabowanaag  iyo dhamaan wanaagyada ay aqoontu keenayso, ee ay hormuudka ka yihiin dhalinyarada u guntatay Daboolidda Baahiyaha faraha badan ee ka jira degmadan.