Buullo-burte(GNA)-Nin Ganacsade ah ayaa lagu dilay Magaaladda Buull-burte gelinkii dambe ee Maanta, maalmo yar ka dib markii degmadaasi oo istaraatiijiya lagala wareegay Kooxda Al-shabaab.
Ciidamo Soomaali iyo Jabuutiyaan isugu jira ayaa saddex maalmood ka hor kala wareegay gacan ku haynta Deegaankaa Dagaalyanada Al-shabaab.
Ma jirto cid sheegatay Dilka Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Goobe, kaasoo caan ka ahaa deegaanka, hase ahaatee Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al-shabaab ayaa ku eeddeysay dilka Ciidamada Djibouti ee AMISOM.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xoogaga Amisom iyo Ciidanka Dawladda oo la xidhiidha Dilkan iyo cidda geysatay, kaasoo ay iskaga difaacayaan dilkan lala xidhiidhiyay.
Kooxda Al-shabaab ayaa wali ku tabaniyaya sidii ay gacantooda ugu soo laaban lahayd Degmada Buulo-burte oo ahayd deegaanka istaraatiiji u ahayd xiligii ay haysteen.