Waa qormo kale oo aan kaga hadlayno mid kamid ah dhibaatiiyonka qaadku uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iyo sida uu gobonimo darada ugu riday umadii soomaaliyeed ee lagu yaqaanay ciziga iyo sharafta isla markaana lagu majeeran jiray in ay tahay hormoodka u madaha kale.
bulshada soomaaliyeed waxay ahaan jirtay bulsho caafimaad qabta oo ka fayaw balwada qaadka iyo maan dooriye dhamaantiis waxaa jirijirtay iyadoo odayaashu marka qaadka ay qaataan ay iskaga kaci jiren salaada casar kana cadayan jireen danohoodana ku foofijireen oo aanu haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan jirin balse sidaa cagsigeeda waxaa uu inaga dhigtay maxmiyad uu isagu iska leeyahay oo aynaan dayn karin sidaa si lamidana aan yarayn karahayn waxaynu wada siinay nafteena waxaan aaminay in hadaan dayno ay balaayo inagu dhacayso ama ay jirayso wax xaraaro la yidhaaho oo aanad ka shaqaysan karahayn.
hadaba hadaan intaasi taabasho guud kaga imaado aan u guda galo badhaadhaha maqaalka ee maanta waa waayada ka mid ah ayaa waxaa jirijiray nin muqayil ah oo aan u naqaano habeen noole oo macneheedu yahay habeenkiiina waa qayilaa maalintiina waa hurdaa oo wax aduunyada ka dhacaya war u mahayo ninkan odayga ahi waxaa uu qaataa biil dibada looga soo diro hantina waa iska leeyahay dhaxal ah aabihiis xoogsaday oo uuga tagay oo dhawr bakhaar ayaa u kiraysan iyo guri xaafadeedyo sidaa awgeed habeenkiiina waa qayilaa maalintiina waa hurdaa ninkan isaga ahi noloshiisii caadiga ahayd waxaa uu ka dhigay mid jaha wareertay oo madaxiisa ayuu mijo u rogay noloshana guud ahaan waa ka dhacay ninkani war uma hayo xaafadiisa iyo caruurtiisa mana yaqaano waxay ku sugan yihiin sidoo kale maba kala yaqaano caruurtiisa oo waxaa ugu danbeeya maalinta ay dhashaan ilayn waa nin habeenkiina qayilaad ku maqan oo iyaga oo hurda ayuu yimaadaa maalin oo dhana waa hurdaa warba kama hayo xataa makala yaqaano siday ukala egyihiin iyo midabadooda intaba.
Sidoo kale mayaqaano meel ay wax ka bartaan iyo inta ay leegyihiin iyo dhamaan axwaashooda oo dhan iyadoo xaaladu sidaa tahay ayaa waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah ayuu soo yara dhakhsaday isla markaana waxaa uu la kulmay wiilkiisa curad oo hada nin wayn ah waxaa uu la joogaa hooyadii dabeeto waxaa u soo galay aabihiis oo aan waayadan arag oo qaad ku mashquulsanaa markaliya ayaa waxaa odaygii ka soo yeedhay iska warama waxaa loogu jawaabay waa nabad hadana waxaa uu dhahay wiilkana waa kuma waxaa lagu dhahay waa hebal waxaa uu ku celiyey oo waa ina ayo halkaasi markuu maraayo ayaa gabadhii iyo wiilkiiba naxdin isla qaboobeen gabadhii ayaa waxay ku tidhi walal waa wiilkeenii curad ee hebel hadana waxaa ka soo baxday kalmad kale oo aan sax ahayn oo ah oo goormuu intaa leegaaday gabadhii waxay ugu jawaabtay intaad qaadka cunaysay ayuu intaa leegaaday dabeeto waxaa uu yidhi oo maxaa qaadkayga iyo afaarahayga kaa galay waxay ku tidhi walaal waad isnacday oo noloshaada waad ku ciyaartaye is daba qabatee oo iska daa qaadka walal waxaa uu ku jawaabay qaadkayga iyo amuurahayga ka bax hadii kale wax kale ayaad isku arki, waxay tidhi walal waad iska hadashay oo waayadanba anuuba dirqi ayaan guriga ku joogay waayo nin waalani ima qabi karo mana wada joogi karno waa inaad warqadayda isii saa isagoon isba dhibin ilayn waa nin waalan oo daroogo waashaye waxaa uu yidhi waad furan tahay, sheekadii waxay socotaba waxaa ay gaadhay meel aan laga soo noqon karahayn reerkiina sidaa ayuu ku dumay waana lagu kala tagay.
bal hadaba waxaad qiyaastaa qaadku dhibka uu u horseeday reerkaasi dhan ee daganaa waxa kala gaadhay waxaa kale oo aad eegtaa odaygan wiilkiisi uu isagu dhalay garan waayey markii loo sheegayna baladu ka higtidhi ee ay sababta u noqotay in reerkiiba burburo.
guntii iyo gaba gabadii waxaan dhahaynaa waar waad aragtaanoo qaadku waxaa uu inala marahayaa meel aan caruurteena kala garan wayno oo aan dhahno ayaa dhalay sidaa awgeed waa inaad iska daysaa cunista qaadka iyo hawlihiisa waayo waa dilaa aan naxariis lahayn.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)