Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Mareegaha Gobanimo News Agency meel kasta oo ay joogaan waxay Tacsi u dirayaan Ehellada, Qaraabada, qoyska iyo Asxaabta uu ka baxay Marxuum Maxamed Jaamac Cabdalla (Af-nugaal) oo Caawa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Waxaanay si gaara uga tacsiyadaynayaan Geerida Marxuumka Farsamo yaqaan Xasan Maxamed Jaamac (Panaroma), oo ka tirsan Shaqaalaha Telefishanka Qaranka Somaliland oo uu Aabihii ahaa.
Waxaanay Marxuumka Illaahay uga baryayaan inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, Ehelkii, qaraabadii iyo qoyska uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.
Aamin……….aamin…………aamin
INAA LILAAHI WAA INAA Ilaahi RAAJUCUUN..