Sunday, March 16, 2014

Dawladda kilalka 5-aad oo la sheegay inay xidhay Guddoomiyihii Xarshin iyo Saraakiil kale


xarshinXarshin(GNA)-Wararka laga helayo Degmada Xarshin ee Gobolka Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inay Ciidanka Liyuu Booliska ee Degmadaasi xabsiga dhigeen Guddoomiyihii Degmada, Saraakiil Ciidan iyo afar Nin oo looga shakisanyahay inay ka tirsanaayeen Jabhadda ONLF.




Xadhiga Masuulkan iyo askarta lala xidhay ayaa ka dambeeyey, ka dib markii Niman lagu qabtay Deegaamadda xuduudka oo looga shakisanyahay ONLF u soo raaceen meel Deegaan u dhow Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo nimankaasi ay sheegeen inay hub ku aaseen.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dawlad deegaanka iyo Maamulka Gobolka Dhagax-buur oo la xidhiidha xadhiga masuulkan iyo dadka kale ee lala xidhay, hase ahaatee tibaaxo kooban oo Gobanimonews ka heshay dad ku sugan deegaanka oo magacooda qariyay, ayaa tilmaamaya in dhamaan dadka la xidhay oo uu Guddoomiyihii Degmadu ku jiro baadhis ku socoto.




Sarkaalka ayaa la xidhay ilaa saddex maalmood ka, sida warku nagu soo gaadhay, laakiinse ma kala cadda in la soo daayay gelinkii dambe ee shalay ilaa maanta oo aan wax war ah ka helin, sababo dhanka Isgaadhsiinta oo adag ah awgeed.




Jabhadda ONLF oo dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay awooddooda milateri talax gabtay, isla markaana qaar badan oo ka mida ay isu soo dhiibeen Dawladda Cabdi Maxamuud Illay, ayaa si dhuumasho ah hawl-galo uga gala dalka xuduudaha.




Dhawr todobaad ka hor ayay ahayd markii ay Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Dawlad deegaanku hawl-gal ay iska kaashadeen tiro ka mida Dagaalyahanada ONLF kaga qab-qabteen deegaano ku teedsan xuduudka.




Balse waa markii ugu horaysay ee Masuul derejadiisu gaadhsiisantahay loo xidho tuhuno la xidhiidha wada shaqayn ka dhaxaysa ONLF ama wax kale oo ku saabsan dhinaca amniga sanadihii ugu dambeeyay.




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com