Muqdisho(GNA)-Waxa shalay si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha School Of Policia (Gen. Kaahiye) ee Magaalada Muqdisho AHN Fanaankii Weynhaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec, waxaana aaskiisa ka soo qayb galay Madaxda dawladda iyo boqolaal qof oo kale.
Fanaaniin iyo xubno ka mida Qoyskii uu Ifka kaga tegay Marxuumku ayaa ka mid ahaa dadkii aaska ka qayb-galay.
Mid ka mida Wiilashiisa oo Warbaahinta Dawladda la hadlay ayaa u mahad naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta Aaska loo sameeyay Aabihii.
Bahweynta Suugaanta ee uu ka baxay ayaa iyaguna si tiiraanyo ka muuqato uga waramay Taariikhdiisa.
Madaxda Dawladda ayaa iyaguna mar kale ka tacsiyaddeeyay Umadda Soomaaliyeed Geerida Marxuumka.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Aaska Qaran:
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=wO5lt5-g0vs