(GNA) Waxay u raadiyaan badanaa dadku siyaabo kala duwan sida ay uga hortagi lahaayeen hadii ay cilad ku timaado timaha ama ay ku dhacaan timo yari.
Waxaana la tilmaamay in mid ka mid ah khudaarta dabiiciga ah ay tahay xalka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo dhibaatadaasi, laakiin waxay u baahan tahay mudo fog si loo helo natiijo la taaban karo, iyad oo ay jirto in dadka qaar ay ka caajisaan in ay sii wadaan isticmaalkeeda.
Sidaa darted waxaa lasoo saaray dawo caadi ah, haweeneey ku taqasustay dhinaca qurxinta iyo ilaalinta bini aadamka ayaa sheegtay in isticmaalka cabitaanka liinta ay tahay xalka ugu wanaagsan oo looga hortagi karo dhibaatada ku timaada timaha, kaliya in la isticmaalo afar jeer ka dibna aynu aragno natiijada ka soo baxaysa taasoo ah mid aad u wanaagsan oo ah in ay tintu ku soo baxdo mudo gaaban halka ay ka soo raagi jirtay.
Diyaariye:-C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland