Tuesday, March 4, 2014

Burco:Waran-cadde oo u kuur-galay waxqabadka Dawladda hoose


S5680406Burco(GNA)-Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Sln Cali Maxamed Warancade oo beryahanba Kormeer shaqo ku joogay Gobolada Bari ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Dawlada hoose ee Degmada Burco si uu ugu kuur-galo hawlaha shaqo iyo  waxqabdaka Dawlada hoose ee Burco ay fullisay xiligii ay Golaha degaanku ee cusubi shaqaynayeen.




Masuuliyiinta dawlada hoose ee Burco ayaa xaruntooda ugu soo bandhigtay wasiirka,gaadiid isugu jira cagafyo,wiishash,Booyada daamurka iyo iskarogooyin,Waxaanu wasiirku ugu danbayntii  soo kormeeray wadooyin ay dawlada Hoose ka hirgalisay magaalada Burco oo ay qaarna socdaan qaarna dhamaadeen.




wasiirku isagoo ka hadlaya waxyaabaha dawlada hoose ee Burco uu kula kulmay  iyo wadooyinka uu soo maray waxa uu sheegay inuu aad ula dhacsanyahay horumarka socda.




''aadbaan ugu farxay inaan arko gaadiid intaas leeg oo isugu jira nooc walba Cagafyadii,booyadii,wiishashkii iyo iskarogooyinkii oo aad iibiseen,waana muiim in numada wixii aad ka qaadeen aad kusoo celiseen,way jirtay in beryihii hore ay golayaasha degaanku is qabqabsan jireen,laakiin hada waa la dhaafay oo waa kuwaas hore u socday,mar hore waxaan kasoo saaray digreeto ah inaanay is qabqabsan,hadii aad is qabqabsataan horumarkaa lumaya heshiiskaana wax qabta,madxwaynahana waxaan u sheegayaa inaad qaadeen dhinicii horumarka.




Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf cabdi(Maxamed Muraad) oo ka warbixinaya waxqadaka uu wasiirka u soo bandhigay ayaa isna sheegay ''halkan waxyaabaha aanu qabanay waxa ka mid ah gaadhigii daamurka,laba wiish oo cusub,Gaadhi nooca qashinka ah oo casri ah gaadiidkaas dhamaantii waxaanu iibinay,waxaad aragtaa oo aanu samaynay oo aad taaganatahay waxyari nooga hadhsanyihiin wado aan nooceeda hore laaga samayn Somaliland wadadaas waxaa ku baxaysa 300'000$ (Sadex Boqol oo kun oo doolar ka badan daamurka oo kaliya waxaa ku baxaya 102'000 $.”ayuu yidhi Maxamed Muraad.




Gudoomiayaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye  ayaa isna sheegay inay burco horumartay.




''Burco  intii aan imi waxaan ku arkay wax ka gadisan wixii hore,waxaan arkay horumar,waxay u dhaqaaqday, jidkii wax wada qabsiga,burco waxaan ku arkay warshadihii iyo beeyadii iyo khayraadkii oo lagu safaynayo iyo waliba horumar kale oo la taabankaro”ayuu yidhi Maxamed Muuse.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office