“Ka yeeli mayno Madaxweyne Siilaanyo inuu Burco iska dhaafo ilaa uu cabashadayada wax qabto”Muj. Caate
Burco(GNA)-Xubno ka mida mujaahidiintii ugu horeeyay ee SNM ayaa maanta Banaanbax xoogan ka sameeyay xarunta maamulka Gobolka togdheer.
Qaar ka mida oo hadlay ayaa fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland, waxaanay ka dalbadeen inuu ka dhabeeyo balan qaadadii uu markii uu SNM ta ahaa iyo xiligii uu ololaha ku jiray ku tiraabi jiray, ee la xidhiidhay inuu wax u qabanayo ragii dalka u soo halgamay.
Sidoo kale waxay dalbadeen fursad ay kula kulmaan uu siiyo Madaxwayne Siilaanyo marka uu soo gaadho Magaalada Burco.
Ugu Horaynba Waxa Banaanbaxaasi ka Hadlay Cabdi Saleeban Caateye, kaasoo isagoo dareenkiisu kacsanyahay ku tiraabay sidan " Waxaanu Maanta Halkan u Joognaa in Aanu ka Hadalno Anagoo ah Mujaahidintii SNM Ee Waawaynayd Ee Sidatay Derajada A,Waxaanu Fariinta u Horaysay u Diraynaa Madaxwaynaha Oo Aanu Leenahay Madaxwayne Yaan si Kale Lagaagugu Sheegine Waxaanu Nahay Raggii Kula Halgamayay Wakhtigii Dibu Xoraynta Dalka Ee aydaan Marqudha Kala Leexanin,Ragayaga Halkan Joognaa Waa Ragii ka Dagaalamay Burco Duuray,Madaxwayne Waxaanu Wali kaa Sugaynaa Balanqaadkagii ahaa Ururka SNM Waxbaan u Qabanayaa, Naafadooda Dhakhtar Baan u Dirayaa ayaanu Wali kaa Sugaynaa,Wali Waxba umaad Qabanin Mujahadintii SNM Ee Dalka Soo Xoreyay,Madaxwayne Waxaanu Maqalnay inaad Burco imanayso Ee Dhinac Hanaga Dhaafin Oo Nala Kulan Haddii Aad Dhinac Naga Martana Raali Kama Nihin" Ayuu yidhi Cabdi Saleban Caatey

Muj Cawil Aaden C/Laahi Oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xuquuqdoodii ka la’yihiin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

" Waxaanu Nahay Ragii Mujahadiinta ahaa Ee Dalkan Soo Xoreyay,Waxaananu in Badan Dowlada Siilaanyo Kala Hadlay Saxaafada Xuquuqdayadii,Xukuumadu Wali May Tixgalin Xuquuqdayadii Oo Noomay imanin,Namanay Waydiin Waxaanu ka Cabanayno,De Malaa Waxaanu Kala Garanba Waynay in Somali National Movement Aanu Wali Wadno Dibu Xorayntisii Oo Aanan Somaliland Xorayn,Dalka Oo Dhan Waxa ka Furan Sadex ilaa Afar Xafiis Oo Magac Ciyaalo ah Oo Aan Waxba u Qabanin Mujahidintii Dalka Soo Xoraysay,Raga Xafiisyada Loo Furay Ee ku Shaqaysanaya Magacii SNM Waxba Uma Qabtaan Mujahidintii SNM,Waxaanu Leenahay Dowladu Hala Xisaabtanto Ragay Xafiisyadaas u Dhiibtay,Madaxwayne Waxaanu ku Shegaynaa Haddii Aad Maanta Sidan Nagu Dhaafto Xuquuqdayadii Dib ayaanu Ugu Halgamaynaa" ayuu yidhi Cawil Aden C/Laahi
C/risaaq Cali Maxamuud Oo isaguna ka hadlay Cabashada Banaanbaxa ay Sameyeen , ayaa sheegay inaan Somaliland la ictiraafayn ilaa SNM la aqoonsado.
Waxaanu yidhi " Somaliland Mid Baan Leeyahay,Waxaan Leeyahay Somaliland Waxay Leedahay Hanala ictiraafo,ilaa iyo Anaga Hadii Aanu Nahay Mujahidiintii SNM La ictiraafi Maayo Somaliland ,Dalkan Waanu usoo Dhibatoonayn Oo usoo Halganay,Somaliland Maanta Waxa Darajooyinkii la Siiyay Dad Aan usoo Halgamin,Maxaa Lagu ictirafaa Somaliland Kuwii usoo Degalamay ayaa Sidan ahe,Madaxwayne Waxaanu ku Leenahay Rag Meel Kale ka Yimi Ma Nihin,Ragii Aad Shalay Lahayd Maxaan Anigu idiin Qaban Karaa Wadanka Riyaale Oo NSS ta ah ayaa Wadanka Haystee, Maanta adigaa haysta oo madaxwayne ka ah ee Madaxwayne Balanqaadyadii ololaha iyo Kuwii Halkanba Waxba Kamaad Fulinin".
Muj. Warsame Gooraan ayaa isna waxaa uu sheegay inaanay ka yeelayn inuu Madaxwayne Siilaanyo Safarkiisa Gobolada Bari marka uu soo dhamaysto uu iska dhaafo, isagoon waxaba ka caban cabashadooda.

Si Kastaba ha ahatee Dhawaaqa ka soo yeedhay Nimankan ayaa ku soo aaday xili uu Madaxweyne Siilaanyo Safar ku marayo Deegaamo ka mida Gobollada Bari, iyadoo la filayo inuu Burco soo maro marka uu soo dhamaysto booqashadiisa Gobolka Sanaag.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office