Saturday, March 22, 2014

Brack Obama:“Waanu casriyeynaynaa Dhegeysiga Telefoonnada”Daawo


ObamaWashington(GNA)-Ka dib markii uu Bishii Janaury ee sanadka ka hadlay Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama dhegeysiga Taleefoonnada ee FBI-da Maraykanka oo xaasaasiya Caalamiya abuurtay, waxa uu aqalka cad mar kale ku celiyay in arrintan amaanka Mawaadiniinta Maraykanka lagu sugayo.




Qoraal lagu baahiyay Mareegta Internet-ka ee Aqalka cad, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Obama doonayo sida ay u arkeen shacbiga Maraykanku talaada Tiknoolajiyada cusub ee lagula soconayo waxyaabaha laysku dhaafsanayo khadadka Isgaadhsiinta.




“Sida teknoolajiyada noqonaysa waa mid aad casri, siyaabaha in aan ka fikirayno in la ilaaliyo asturnaanta shaqsi sidoo kale xuubsiiban, waxaase muhiim ah in qofkasta oo Maraykan ahi amni helo”ayaa lagu yidhi fariin qoraal iyo Muqaal isugu jirta oo aqalka cad laga soo saaray.




Madaxda Dawladdaha Caalamka ayaa si weyn uga qayliyay talaabada dhegeysiga Telefoonadda, iyagoo ku andacooday inay halis ku tahay amniga iyo siraha gaar ahaaneed ee hogaamiyeyaasha Caalamka.




Dalalka Ruushka iyo Frances-ka ayaa arrinta dareenka ugu xaasaasisan ka bixiyay.




Sarkaal hore uga tirsanaa laanta Mukhaabaraadka Maraykanka Edward Slowden, ayaa sanadkii hore fashilay qorshaha FBI-da Maraykanku ku dhegeystaan Telefoonadda Caalamka oo ay ku jiraan kuwa hogaamiyeyaasha dalalka waaweyn oo muddo soo socotay.




Edward, ayaa sanadkii 2013-ka markii arrintan kashifay u baxsaday waddanka Ruushka.




Fariintan ayaa dadka lagu waydiiyay qaabka ay u saamaysay iyo waxyaabaha ay isticmaalaan ee macluumaadkooda laga helay.




Waxaanu madaxweynaha Maraykanku muujiyay in isbedel iyo casriyeyn lagu sameynayo nidaamkan dareemada Diblomaasiyaddeed caalamka ku abuuray.




Guji Halkan hoose si aad u Daawato, una akhrido fariinta aqalka cad:




 




http://www.whitehouse.gov/issues/technology/big-data-review?utm_source=email&utm_medium=email&utm_content=email311-text1&utm_campaign=tech




Daawo:


https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=_PYd03Z8jPQ