Barcelona ayaa heshiis la gaadhtay kooxda Borrusia Monchengladbach kaas oo u aadan saxeexa goolhayahooda reer Jarmal ee Marc-Andre ter Stegen qiimaha ayaana u dhaxeeya 9-12 Malyan oo Euro taas oo ay raacsan tahay in laba kulan oo saaxiibtinimo ay kooxda la ciyaarto sida ay xaqiijisay Goal.com.
Kooxda Barcelona ayaa suuqa ka baadi goobeysay goolhaye cusub madama Victor Valdes uu ku dhawaaqay goor hore inuu dhamaadka xagaagan ka dhaqaaqi doono Barcelona waxaana ay heleen Marc-Andre ter Stegen.
Xidigan Jarmalka ah ayaa Barcelona u saxeexi doono heshiis gaadhaya ilaa 2019-ka.
Isku dubaridaha kooxda Andoni Zubizarreta ayaa dhowr jeeer u saftay dalka Jarmalka bilooyinkii lasoo dhaafay si uu muuqaal ahaan usoo arko xidiga ay kooxdiisa dooneyso balse 21-jirkaan aaya noqday mid uu kusoo qancay qaab ciyaareedkiisa isagoo sheegay inuu ku haboon yahay Barca.
Kooxda Barcelona ayaa heshiiskeeda cusub soo bandhigi doonta marka uu Valdes xaqiijiyo bixitaankiisa kadib dhamaadka xili ciyaareedkaan.