Tuesday, March 11, 2014

Australia oo 10 Milyan oo Dollar ugu deeqday Soomaaliya


Wasiirada arrimaha dibadda ee Australia Julie Bisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag gaareysa 10-milyan oo Dollar.




Julie Bisho ayaa tilmaantay in 2-milyan oo lacagtaasi ka mid ah loogu tala galay Ciidamada AMISOM si ay u dar dar galiyaan dagaalada ay Al-Shabaab kala horjeedaan.




Wasiirada ayaa tilmaantay lacagta 8-milyan ee Dollar wax looga qaban doono arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Arimaha Bini’aadanimada, Caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo la cabo.




 Dowlada Australia ayaa sheegtay in lacagaha Soomaaliya loogu deeqay ay qeyb ka yihiin Maamul Goboleedyada Dalka ka jirta, lamana shaacin cida lacagtan Soomaaliya loogu deeqay lagu wareejinayo iyo xiliga la bixinayo intaba.




Waa lacagtii ugu badnayd ee Australia ku caawiso waddanka dagaaladdu wali ka sii jiraan ee Somalia tobankii sanadood ee ugu dambeeyay.