Sunday, March 16, 2014

Al-shabaab oo sheegtay inay 19 Askari oo Jabuutiyaan ah ku dileen Buulo-burte


Muqdisho(GNA)-Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo shir jaraaid ku qabtay qadka taleefanad ayaa sheegay dagaal saacada badan qaatay oo ka dhacay magaalda Buula barde gobolka Hiiraan ay ku dileen ilaa 19 ciidamada Jabuuti isagoona sheegay in ay ku dileen ciidankaasi dagaalkii xalay




Afayeenka dhanka howlgalada ayaa sheegay in dagaalkii xalay waqti badan qaatay isagoona  intaasi ku daray in markii ay danahooda gareen magaalada dib uga baxeen waxuuna sheegay in ay si weyn  jabsheen jiida hore ciidamadii joogay waa sida uu hadalka u dhigayee.




Waxa kale uu sheegya in dagaal kale oo xoogan xalay ak dhacay magaalada Buurdhuuba kaa oo san sheegin waxii qasaara ah ee kala gaaray labada ciidan




waxa kale uu sheegay kale Abuu Muscab in ay qaraxiyeen gaari BG ah lagu burburiyay oo maanta duhurkii ka dhacay wadada laamiga ah ee isku xirta deegaanka Warmaxan iyo degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose