Muqdisho-19, June(GNA)- 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cod dheer ku Taageeray xildhibaan Dr. Cusmaan Maxmuud Dufle oo ka mid ah Musharixiinta lagu daray liiska dadka u tartamaya abaal marinta bilada Nabadda Caalamiga ah (Nobel Peace Prize), ee adduunka sanadkan.
Xildhibaan Dufle oo muddo dheer ka shaqaynayay hawlaha bino-aadannimada ee dalka Soomaliya, hawlo badan oo dhinaca gargaarka ahna ka fuliyay gudaha dalka, ayaa ka mid noqoshada dadka lagu magacaabay Nobel peace Price ku mutaystay qiimeyn lagu sameeyay addeegyada uu dalka ka qabtay intii dawlad la’aanta lagu jiray.
Xaflad balaadhan oo lagu taageeray Xildhibaanka, taasoo ay soo abaabulay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda, ayaa lagu qabtay Hudheelka City Palace ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay mujtamaca Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhido in la arko qof Soomaali ah oo ka mid noqda dadka ku tartamaya helida Abaal marintan.
“ In Shaqsi Soomaaliyeed loo magacaabo ka mid noqoshada musharaxiinta bilad sharfeedka caalamiga ah waa guul ay gaartay Umadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto.Tani waxay natuseysaa kartida Umaddeennu leedahay” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed inay tageero u muujiyaan Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle si uu u helo Bilada.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu garanayo Xildhibaan Dr Dufle uuna mudan yahay biladda isla-markaana gudiga qiimeynta ugu baaqay inay codkooda siiyaan Dr. Dufle.
Xildhibaan Cismaan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyayb ee Soomali ah ee isu sharaxa helida abaal marinta Nobel peace Price-ka taariikhda inta la xasuusanyahay, iyadoo hadii uu guulaystana ay taasi noqonayso magac iyo sumcad u soo hooyatay Soomaalida.
Dadka Afrikanka ah ee Biladan qaatay waxa ka mid ahaa Madaxweynihii Geeriyooday ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, kaasoo lagu siiyay Kaalintii uu ka qaatay nabadeynta iyo Mideynta qoomiyadaha kala isirka ah ee ku nool Dalkii uu madaxweynaha ka ahaa muddada dheer.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com