Khadar Jiilaal oo Shaaciyey In Koobka Bisha Ramadaan Ee Hargeysa Stadium SOMTEL Cup Uu Ka Billaami Doona 1-da Bisha Iyo Tirada Kooxaha Ka Qayb Gelya.
Guddida Garoonka Kubadda cagta ee Hargeysa Stadium , ayaa shaacisay kooxaha sannadkan ka qayb gelya Koobka Bisha Ramadaan ee SOMTEL KAP, kaas oo oo sannad walba lagu qabto garoonkaasi, waxaana ka qayb geliya Koobka sannadkan kooxo gaadhaya 16 koox oo caasimadda Hargeysa ka dhisan.
Koobkan oo ah mid sannad walba lagu qabto garoonka Hargeysa Stadium, ayaa waxa loogu talo galay in lagu maaweeliyo dadka sooman iyo dhalinyarada, waxaanuu si rasmi ah u furmi doonaa Koobkaasi kowda Bisha Ramadaan, waxaanuu soo geba gaboobi doonaa Hadii alle idmo dhamaado 28 bisha Ramadaan oo ah laba cisho ka hor maalinta ciidda.
Garsoore Khadar Xuseen Jaamac (Khadar Jiilaal) oo ka mid ah Guddida Koobkan ee Hargeysa Stadium, ayaa qoraal kooban oo uu ku shaacinayey waxa uu ku yidhi “Waxa sannad walba naga caawiya shirkadaha kala duwan ee dalka, waxaana sannadkan naga caawisay shirkadda Somtel koobkan, kaas oo la yidhaahdo SOMTEL CUP”
“ Sannadkan, waxa ka qayb geliya koobka 16 kooxood oo ka dhisan magaaladda Hargeysa, waxaanuu si rasmi ah u billaami doonaa 1-da Bisha Ramadaan, kaas oo soo geba gaboobi doona 28-ka bisha Hadii ALLE idmo, waxaanu u mahad celinaynaa shirkadda sannadkan naga caawisay ee SOMTEL, koobkani waa mid sannad walba lagu qabto Garoonka, waana mid dadka lagu maaweeliyo”
Wariye Khaalid Axmed
Gobanimonews@gmail.com
Hargeysa Office/Somaliland