XAFLAD BALAADHAN OO AY SOO QABANQAABIYEEN ARDAYDA JAAMACADA ALPHA, XAFLADAAS OO AY UJEEDADEEDU AHAYD SOO BANDHIGIDA BARNAAMIJKA WAXQABAD EE URUURKA ARDAYDA EE JAAMACADAASI
IMG_4578Xaflad balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda jaamacada Alpha, xafladaas oo ay ujeedadeedu ahayd soo bandhigida barnaamijka waxqabad ee uruurka ardayda ee jaamacadaasi oo marka magacooda la soo gaabiyo noqonaya (ARDAY_ KAAB STUDENT UNION ORGANIZATION) .
Munaasibadan waxa hadal kooban ka jeediyey gudoomiyaha ardayda jaamacda Alpha oo ka waramay kuna dheeraaday barnaamijkan iyo faa’iidayda uu u leeyahay ardayda jaamacada Alpha, intaasi waxa hadal kooban ka soo jeediyey gudoomiye ku xigeenka jaamacada Prof Abdirsaaq Xaaji Xuseen, kuna hambalyeeyey ardayda dedaalka muuqda ee ay ku soo diyaariyeen barnaamijkan waxaana uu ku dardaaray in ay halkaa ka sii wadaan.
Gebogabadiii waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyha jaamacada Alpha Prof Abdirahman Maxamed Maal waxaanu sheegay in barnaamijkan ay ardaydu soo bandhigeen uu yahay mid faa’iido badan u leh ardayda jaamacad ahaana ay garab taagan yihiin cidkasta oo barnaamij muuqda soo bandhigaysa. Waxaanu hadlakiisa ku soo gabogabeeyey in jaamacada Alpha ay arday badan u dirayso dalka dibadiisa kuwaasi oo ah deeq waxbarasho (Scholarship), qaarkale oo badana ay ku talo jiraan in la helo taasina ay tahay guul u soo hoyatay jaamacada Alpha iyo guud ahaan ardayda Somaliland.