Wuxuu islahaa ka saar gaadhi qalibmay, waxaanay baabuurtu tumnaayeen illaa shalay sheikh iyo Hudisa
Buurta-sheekh(GNA) Wiish weyn oo ka soo dagay Dekedda Berbera isla markaana u socday dhinaca magaaladda Burco ayaa kala xidhay jidka Dawga Sheekh, kadib markii uu ka saari kari waayey gaadhi dhawaan ku qalibmay oo la doonayey inuu ka saaro.
Wiishka kala xidhay Buurta Dawga Sheekh ayaa sababay inay hakad galaan gawaadhidii Xamuulka iyo Xoolaha siday ee u kala gooshaysay Goboladda Barri illaa Galbeed, sidoo kale waxa xanibmay gawaadhidii kale ee Rakaabka ahayd.
Qof ka mid ah rakaabka ku xanibmay Buurta sheikh ayaa Waaheen u sheegay in ay wali ku sugan yihiin Buurta sheikh hoosteeda, halkaas oo uu sheegay inay tuban yihiin dhamaan gaadiidkii labada dhinac u kala talaabayey.
Qofka Rakaabka ahi waxa uu sheegay saddexdii shalay sidii ay u istaageen Hudisa inay wali taagan yihiin baabuurtuna kuyuu dheer ku jirto, halka uu sheegay kuwa dhinaca Barri ka soo socdayna inay ku xayiran yihiin magaaladda Sheekh.
Wiishka gooyey wada ayaan illaa hada helin farsamo uu ku soo saaro gaadhiga buurta ku qalibmay, sidoo kale waxa uu awoodi kari la’yahay qaabkii uu isaga laftiisu u banayn lahaa wadada, taasoo sababtay inay dhamaan dadkii, Xoolihii iyo gaadiidkiiba isla xanibmaan.