
Haweenay u dhalatay dalka Indonesia ayaa la sheegay inay dhashay Xawayaan Caasho badhi ah, sidaa waxa sheegay Kalkaliso ka tirsan Waaxda umulisooyinka.
In kastoo ay tahay wax lala yaabo oo ku cusub dhacdooyinka aduunka, hadana 3 bishan June 13, 2014 ayaa lagu baahiyey jariirada la yidhaahdo METRO ee ka soo baxda dalka Indonisia, in hooyo magaceeda la yidhaahdo Debi Nubatonis oo u dhalatay dalkaasi, ay ku umushay uur 8 bilood ah, ka dib iyadoo ku jirta qolka Maydhashada ayaa loo qabtay sidii jajawow ama Labor pain.
ka dib si degdeg ah ayey u tagtay cusbitaalka dhalmada (.delivering a healthy newborn baby),halkaasoo ay kula kulantay Umulisadii cusbitaalka qaybta dhalmada.
Umulisada ayaa markii ay guddo gashay inay ka umuliso hooyadan xaamilada ah sheegtay inay ku aragtay dheecaan iyo dhiig badan xilgii ay ka foolinaysay, ka dibna ay aragtay Caasha badhi “taasi yaxyax ayay igu riday inaan arko hooyo makaankeeda ay ka soo baxaan xayawaankan oo kale”ayay tidhi.
Doctor Chief Medical Officer ayaa xaqiijiyey in aanay ilmo kale ku lamaanayn caasha abdhidan ay hooyadani dhashay.
Dowlada Indonisia ayaa u aragtay arintan kaftan iyo sheeko mala-awaala markii hore taasoo ay si taxadir leh ay u guda-galeen badhiitaan ay ku xaqiiqsanayaan arrintan la soo gaadhsiiyey, ka dib ay xaqiiqsadeen jiritaanka dhacdadan.
sidoo kale waxa ay sheegaan in hooyadani ay dhashay laba caruur ah oo aadame ah ka hor umusheedan hada.