Wednesday, June 18, 2014

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Been Cadaana Ku Tilmaamay Warkii Lagu Sheegay Inuu Waraaq U Qoray Nekolas Key.

(GNA) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa been caawan ku tilmaamay war Lagu baahiyay saxaafadda qaarkood, kaas oo Lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyaddu Waraaq u qoray ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan waddamadda Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nekolas Key, qoraal kooban oo Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan ku baahiyay bartiisa rasmiga ee ku leeyahay internetka ee Guusha.com ayuu ku beeniyay warkaas ku tiri ku teenta ah, wuxuuna u dhignaa qoraalka Wasiirku sidan.
Baraha Rasmi ah ee aan ku leeyahay Degelada Internet-ku waa:
www.Guusha.com
Facebook page: https://www.facebook.com/pages/Min-Hersi-Hassan/495771917162808?ref=hl

“Sida aynu la socono xidhiidhku waa xadhiga uugu muhiimsan ee u dhexeeya Bulshada iyo Madaxda hadba u talisa, waxaan jecelahay in aynu marwalba kala helno xog xaqiiq ku dhisan si bulshada u badan dhalinyaradu ay u helaan warbixin ku aadan hanaan socodka xukuumadooda iyo geedi socodka qarankooda
Sidoo kale in aynu talo iyo tilmaam isku waydaarsano goobaha aan kor ku xusay waayo waxaaad tihiin Madaxda Beri “Insha Allah”. Waxaan cod dheer ku beeninayaa maqaal sheegaya in laga soo xigtay bar aan ku leeyahay twiter-ka “waa sidii qoraalku u qornaaye” oo sheegaya in aan waraaq uugu jawaabay Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee Nicholas Kay.
Warbixin walba oo aanan ku jirin goobaha xidhiidhka bulshada ee aan kor ku xusay waa waxba kama jiraan iyo wax aan sal iyo raad toona lahayn
Meel aad joogtaanba ku noolada sharaf iyo Cizi
Wa Bilaahi Tawfiiq.”