Wednesday, June 18, 2014

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Geedi oo gaadhay Jowhar .


Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka,
siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gaadhay magaalada Jowhar.




Prof. Geeddi ayaa ugu dambeysay magaalada Jowhar sanadkii 2006-dii oo xarun KMG u aheyd dowladdii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ee uu
hogaaminayay Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed, xilligaasoo ay u guurtay magaalada Baydhabo.




Wafdigan ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga yimid magaalada Muqdisho,iyadoo ay gelibinayeen tiro ka mid ah gaadiidka dagaalka iyo ciidamo
hubeysan, waxaana la socday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow.




Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga ujeedada booqashada wafdigan,




inkastoo ay ka soo baxayaan warar kala duwan, hase ahaatee ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay.




Wafdigan ayaa caawa waxay ka qeyb galayaan xaflad lagu qaban doono Xarunta Xiriirka Shaqaalaha oo ay Fanaaniin ka yimid magaalada Muqdisho
ay heeso iyo suugaan ka qaadi doonaan.




Dhinaca kale warar ay heleyso Gobanimonews.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri booqasho ku tagi doono magaalada Jowhar, si uu u dhagax dhigo jaamacad laga hirgelinayo magaalada Muqdisho.