Ganacsatada soo dejisa Jaadka Mirowga oo ka digay inay dawladdu ku lumiso dakhli u soo xaroon lahaa iyo doodad Wasaaradda Maaliyadda
Hargeysa(GNA)-Ganacsatada soo dejisa Qaadka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay dareemay culays ka soo fuulay dhanka Cashuurta, kaddib markii ay wasaaradda Maaliyadda Somaliland hal mar cirka ku shareertay qiimaha Tacriifada Jaadka mirowga loo yaqaan hore loogu cashuuri jiray.
Culayska ka dhashay korodhka Cashuurta qaadka ayaa sababay inuu hoos u dhaco xadiga jaadka loo soo dhoofiyo dalku, iyadoo Ganacsatada qaar sheegeen inay joojiyeen, markii talaabadan dawladdu qaaday.
Mulkilaha Shirkadda qaadka ee SBS Siciid Axmed Abokor (Siciid Barje saafi), ayaa laba maalmood ka hor Warbaahinta u sheegay in kordhinta Cashuurtu xasilooni daro Ganacsi ka abuurtay suuqa iyo Kastamada cashuurta dalka qaar.
“lixdii Bishan June Wasaaradda Maaliyaddu waxay soo saartay wareegto ay ku kordhinaysp cashuurta Mirooga ah oo aanu Nairobi ka keeno, Killooga waxa naluugu cashuuri jiray 0.8 Dollar, iminkana waxa laga dhigay $15 Dollar. 1 Kgm waxaan siiyaa $20 (Labaatan Dollar), maalinta kalena 15 Dollar”.ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “Agaasimaha Guudna wuxuu yidhi $15 Dollar ku cashuurta, dee anigu waaban iska daayay oo ma keeni karo, laakiinse dhibtu waxay ka jirtaa Gobollada Bari oo waxa jira in Nin aanu saaxiib nahay oo aadan la yidhaahdo oo diyaarad qaad ah keenaa uu xoog Madaarka kaga la baxay jaadkii oo aan wax cashuur ah laga qaadin, isagoo aan xataa tii hore bixin”.
“Halkaa waxaan leeyahay dee amnigii dalku khalkhal buu gelayaa, Masuuliyiinta Maaliyadda joogtaana waxay luminaysaa cashuurtii qaranka, dee qoladaa barigana xaga jaad badani ugama tago oo Miirooga ayuun baa u iman jiray, tan cashuurta lagu kordhiyayna waxa noqonaysaa duulaan ganacsi. Markaa waxaan ku talin lahaa cashuurtaa qaadka Mirowga halkiisii halugu soo celiyo”.ayuu yidhi Siciid Barje Saafi.
Dhinaca kale xubno ka mid ah Ganacsatada Jaadka ayaa sheegay inay arrintaasi culaysku keenayso Ganacsatada qaadka soo dejisa.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Saleban jaamac Diiriye ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay kordhiyeen Tacriifada cashuurta qaadka Mirowga si ay uga xameeyaan inuu culays kale ku soo kordhiyo suuqa Daroogada qaadka.
“jaadkii Ingiriiska laga joojiyay ayay doonayaan inay inagu soo leexiyaan annaguna wax kale kumaanu samayne waxaanu ku kordhinay uun cashuurta si aanu inoogu soo wada jabin”sidaas ayuu gobanimonews u sheegay.
Agaasimaha ayaa intaasi ku daray “waanu ka wada hadalnay Ganacsatada waanay naga aqbaleen. Wax dhibaato ahina kama taagna”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Inkasta oo dhinacyada dawladda iyo Ganacsatadu ku doodayaan labadan qodob, dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in cashuur kordhinta noocan ahi aanay ahayn mid caqliyad ku salaysan, isla markaana aanay adduunka ka dhicin shay tacriifaddiisa sidan oo kordhiyo.
Jaadka Mirowga
Jaadka Mirowga ayaan hore Magaalooyinka galbeedka Somaliland soo gaadhi jirin, waxaase uu Magaalada Laascaanood uga iman jiray dhinaca Gaalgacayo iyo Garoowe.
Qaadkan iminka soo gaadhay Magaalooyinka Galbeedka ayaa la sheegay inuu bilaabmay markii dalka ingiriiska laga joojiyay Jaadka, iyadoo la rumaysanyahay in jaadkani yahay kii Ingiriiska laga joojiyay oo Somaliland loo soo wareejiyey.
Boqolkiiba sideetan qaadka Somaliland soo gala waxa laga soo waaridaa dalka Itoobiya, halkaasoo Shirkaddo tiro badani ka soo qaadaan.
Hase ahaatee suuqa cusub ee dhinaca Kenya ayaa ah mid cusub oo saameyntiisa ku yeelanaya qaadka Itoobiya laga keeno oo uu ka fiicanyahay sida ay dadka muqayilinta ahi ku doodayaan.
Jaadka Mirowga ayaa hada lagu cunaa Gobollada Puntland iyo Gobollada kale ee koonfurta Soomaliya, halkaasoo uu uga yimaado dhinaca Kenya.
Dadka qaar ayaa soo dhaweynaya inuu qaadka Mirowga ahi dalka soo galo, qaarkoodna waxay ku dooddayaan inuu dhibaato iyo fasahaad kale ku soo kordhinayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com