Friday, June 13, 2014

Somaliland: Ma Dhabaa inaanu Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistu qabsoomin?warbixin


Shaqo xumada Wasiirrada oo faddeexad abuurtay iyo xukuumadda oo ka aamusan xaaladdo isbarkan oo dalka ka taagan




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa(GNA)-Sida ay Sheegayaan ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay qasriga Madaxtooyada, Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa baaqday Maanta.




Ma cadda ilaa hada arrintani hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa inuu jiro habqan iyo kala qaybsanaan ku timi Golaha Wasiirrada oo sababay inuu dhici waayo Shirka Golaha wasiirradu.




Tibaaxo kale oo Gobanimonews heshay ayaa sheegay inaanu shirka Golaha Wasiirradu qabsoomin usbuucyadii la soo dhaafay oo dhan, taasoo ay ugu wacantahay Wasiirrada oo qaarkood ka waji dadbayaan inay Madaxweynaha is arkaan, iyagoo Khilaafka Xisbiga ka gaabinaya inay dhiniciisa la saftaan.




Wasiirrada ayaa sidoo kale, qaarkood la sheegay inay uga dhuumanayaan soo gelista madaxtooyada in culays lagu saaro inay soo abaabulaan dad taageera Musharaxnimadiisa, taasoo xiligan ah mawduuc dad u abaabulkiisu xaasaasi yahay.




Shir aan Muhiim u ahayn Bulshada oo xalad ku soo beegmay




Shirka Golaha Wasiirrada oo aan awalba waxa looga hadlo iyo natiijada ka soo baxda Bulshada loo soo bandhigi jirin, ayaa hadana qabsoomid la’aantiisu caqabad ku tahay hawlaha dawlada iyo inay Masuuliyiinta xukuumaddu iska waraystaan xaaladaha taagan.




Xaaladaha taagan ee aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ilaa hada ka hadal, isla markaana Jawaab ka bixin waxa ka mid ah hawl-galka Ciidanka Qaranku ku qaadeen Shirkii Taleex ee Khaatumo iyo ammaanka Xuduuddaha ay la wadaagto Djibouti iyo Itoobiya oo ay dawladdaha dalalkaasi culays dheeraad ah saareen.




Dalalkan oo helay digniin Caalamiya oo looga digay inay Kooxaha Argixisada ahi weeraro ka geystaan, ayaa Itoobiya xidhay xafiiskeedii Wajaale ee Socdaalka, halka Djiboutina xadkeeda xidhatay.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ilaa wakhtigan Bulshada ay masuulka ka tahay umay caddeynin mawqifkeeda ku aadan cabsida ammaan ee gobolka ka jirta iyo saameynta ay ku yeesheen Mawaadiniinteeda dalalkan u safri lahaa.




Sida muuqata waxay ku mashquulsantahay muranka hadheeyey xisbigeeda ee ay dhinaca ka tahay iyo la tacaalida Taageerayaasha garabka ka soo horjeeda.




Shaqo xumada Wasiirada xukuumadda  oo Faddeexad abuurtay




Dhinaca kale, iyadoo arrimahani taaganyihiin, waxa la sheegay inay aad u liidato firin fircoonida shaqo ee Golaha Wasiirrada xukuumaddu xiligam, jiraana wasiirro aan Xafiisyadooda ka soo xaadirin inta badan oo saacadaha shaqada ku lumiya dano shakhsi ah ama iskood uga muquurta shaqada.




Wargeyska Madaxbanaan ee Waaheen oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa, ayaa warbixin uu ka  diyaariyey shaqada Wasiirrada xukuumadda ku sheegay inay badi Wasiirradu xafiisyada ka maqanyihiin saacadaha ugu badan ee shaqada.




Warbixinta Wargeysku daabacay ayaa lagu sheegay inay shan wasiir waxaan ka badnaynin uu Xafiisyadooda ugu tegay wariye kormeeray xafiisyada dawladda.




“Kormeerkan oo wargeyska waaheen uu ugu kuur-galayey sida ay wasiirada 26 wasaradood ugu shaqeeyaan bulshada reer Somaliland  iyada oo maalmihii ugu dambeysay dadweynuhu ay  ka soo yeedhaysay  cabashooyin la  xidhiidha wasiirada xukuumada siilaanyo oo ay  sheegeen  in aanay intooda badani ka soo xaadirin xafiisyadooda.




Saacadu markii ay ahayd Todobadii subaxnimo ayaa waxa aanu bilownay  kormeerkaasi waxanu ku soo wareegnay 26 wasaaradood ee ka jirra dalka, iyada oo aanu  ugu tagnay xafiisyadooda 5 wasiir oo kali ah,  halka inta kale aanay ku sugnayn xafiisyadooda, laakiin waxaan kormeerkaasi aanaan ku tagin wasaarada madaxtooyada oo  iyada oo aanay noo suurtagalin in aanu tagno.




Shanta Wasiir ee Xafiisyadooda ku sugan wakhtigaasi aanu kormeerka ku sameynaynay ayaa kala ahaa 1: Wasiirka Deeganka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Bandare,  2: Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad), 3: Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sarre  Samsam Cabdi Aadan,  4: Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamuud Xaashi Cabdi,  5: Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.




Cagtii ugu horeysay ee Kormeerka ayaanu ka bilownay wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badaha oo uu wasiir ka yahay Cali Jaamac Faarax  (Buureed) iyada oo wakhtigaasi saacadu ahayd 7:03, Wasiirku wakhtigaasi kumuu sugnayn xafiiskiisa, halka uu isna maqnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi.




Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif oo isna aanu xafiiskiisa tagnay 7:05 ayaa isaga iyo wasiir ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud  aanu midina ku sugnayn Xafiiskiisa, wakhtigaasina waxa shaqo ahi kamay socon.




Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji cali Cadami oo aanu saacadu markay ahayd 7:07 booqanay Xafiiskiisa ayaa aan isaguna wakhtigaasi ku sugnayn wasaarada halka  ay iyaguna maqnaayeen wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud.




Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole  oo  aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:17 Daqiiqo ayaan wakhtigaasi ku sugnayn xafiiskiisa halka agaasimaha guud uu maqnaa.




Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sarre  Samsam Cabdi Aadan oo iyadana aanu booqanay xafiiskeeda saacadu markay ahady 7:18  wakhtigaasi wasiiradu waxay ku jirtay shaqo maalmeedkeeda wasaarada.




Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo aanu isaga saacadu markii ay ahayd 7:19 daqiiqo aanu xafiiskiisa booqanay ayaa aan isagu wakhtigaasi joogin xafiiskiisa.




Wasiirka dhalinyarada Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:21 daqiiqo ayaan wakhtigaasi ku sugnayn xafiiskiisa basle shaqaalaha wasaaradu waxay noo sheegeen in agaasimaha guud uu safar ku maqan yahay.




 




Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo aanu xafiiskiisa Booqanay Saacadu markay ahayd 7:23 ayaanu wakhtigaasi ugu tagnay xafiiskiisa isaga oo ku jirra hawl-maalmeedkiisa shaqo.




 




Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo aanu booqanay xafiiskiisa saacadu markay ahayd 7:27 daqiiqo ayaan isaga iyo agaasimaha guud midina aanu ku sugnayn xafiisyadooda. Balse waxa uu ku maaqnaa shirk a socday Hotel Maan-soor.




Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahady 7:30 subaxnimo ayaan isaga iyo agaasimaha guud ku sugnayn xafiisyadooda, waxa shaqo ah oo ka socotayna may jirin.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo aanu isagana xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:32 ayaan wakhtigaasi ku sugnayn walow naloo sheegay in uu safar Dibada ah  ku maqan yahay.




Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga Dr. Muuse Qaasim Cumar oo aanu xafiiskiisa booqanay 7:38 daqiiqo ayaan wakhtigaasi ku sugnayn xafiiskiisa basle waxa shaqada wakhtigaasi ku jiray Agaasimaha guud oo shaqeynayey.




Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo aanu Booqanay xafiiskiisa  saacadu markay ahayd 7:40  ayaa naloo sheegay in uu xanuunsanayo oo aanu maalmahan soo shaqo tagin, balse xafiiska kumay sugnayn wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimaha guud midkoodna.




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md.Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo aanu booqanay xafiiskiisa saacadu markay ahayd 7:43 ayaa wakhtigaasi naloo sheegay in uu hawlo shaqo ah ku maqan yahay, balse waxa hawl-maalmeedka shaqo ee wasaarada ku jiray agaasimaha Guud ee wasaaradaasi.




 




Wasiirka Wasaarada Dib u dajinta Axmed Cabdi Kaahin (Casood) oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:44 ayaan wakhtigaasi ku sugnayn xafiiskiisa balse waxa isagu ku sugnaa xafiiska oo shaqeynayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi.




 




Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo ayaanu wakhtigaasi kula kulanay wasaarada isaga oo ku jirra hawl-maalmeedkiIsa shaqo.




 




Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdallahi oo aanu xafiiskiisa booqanay Saacadu Markay ahayd 7:48  wakhtigaasi kumuu sugnayn wasaaradiisa, waxa shaqo ahina kamay socon wasaarada.




 




Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed caydiid oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 7:54  wakhtigaasi kumuu sugnayn wasaarada, balse waxa shaqada ku jiray wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo ku jiray shaqo maal-meedkooda.




Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Baandare oo aanu xafiiskeeda booqanay saacadu markay ahayd 7:57  wakhtigaasi wasiiradu waxay ku jirtay shaqo maal-meedkeeda waanay shaqeynaysay.




Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo aanu xafiiskiisa booqanay  Saacadu markay ahayd 8:00  ayaan wakhtigaasi aan ku sugnayn xafiiskiisa.




Wasiirka Caafimadka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye  oo Xafiiskiisa aanu Booqanay Saacadu markay ahayd 8:02 Daqiiqo ayaa naloo sheegay in uu ku maqan yahay safar dibada ah, balse waxa aan wakhtigaasi ku sugnayn wasaarada Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud iyada oo aanay wasaarada wakhtigaasi wax hawl ahi aanay ka socon.




Wasaaraada Xidhiidhka Golayaasha oo aan wakhtigan lahayn wasiir kadib markii dhawaan wasiirkeedii la eryey ayaanu booqanay saacadu markay hayd 8:07  basle agaasimaha guud ee wasaaradasi wakhtigaasi shaqada kumuu sugnayn.




Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen cabdi Ducaale oo aanu xafiiskiisa booqanay saacadu markay ahayd 8:09 ayaan wakhtigaasi aan  ku sugnayn wasaaradiisa oo aan shaqada  ku jirin.




Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka wacyigalinta Cabdilaahi Daahir Cukuse oo aanu booqanay xafiiskiisa saacadu markay ahayd 8:23 ayaanu Xog-hayntiisa waydiinay in uu joogo iyo in kale waxayna noo sheegtay in aanu wakhtigaasi soo shaqo tagin,  halka agaasimihiisa guud-na ka joogin.




Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo aanu booqanay xafiiskiisa 8:35 daqiiqo ayaa wakhtigaasi ku sugnaa xafiiskiisa  isaga oo ku gudo jiray hawl-maalmeedkiisa shaqo.




Wasiirka Madaxtooyada Md.Xirsi Xaaji Cali Xassan oo wasaaradiisu ku jirto Xayndaabka qasriga dalka looga arrimiyo ayaanay noo suurto galin in aanu booqano.




Hadaba arrintan ayaa cadeynaysa sida aanay wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo aanay  ugu shaqeynayn bulshada Somaliland, oo ay wasaaradaha tagaan wakhtiga  ay doonaan, marka kalena meelahaas iska joogaan.




Xukuumadda waxa looga fadhiyaa wakhtiyada shaqada ee dayacan inay wax ka qabato, gaar ahaan Madaxweynaha waxa looga fadhiyaa inuu soo celiyo Kormeeradii uu ku samayn jiray ama si kale ugu kuur-galo si aanay u dayacmin hawl maalmeedka Xafiisyada u adeega Bulshadu.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com