Saturday, June 14, 2014

SOLJA oo mar kale cambaareeyey xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe


maxamd-rashiidHargeysa(GNA)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Cambaareeyey xadhiga Mulkilaha Wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Somaliland times Yuusuf Cabdi Gaboobe oo maanta mar kale xabsiga loo taxaabay.




Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa mar kale la xidhay, kaddib markii todobaad iyo badh ka hor laga soo daayay Xabsiga isaga iyo tafaftiraha Wargeyskaas.




War saxaafaddeed uu soo saaray Ururka SOLJA,kaasoo uu ku saxeexanyahay xoghayaha Guud Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa lagu sheegay in Ururku cod dheer ku cambaareynayo  gabood falada lagu hayo xoriyatal-qowlka.




Solja ayaa sheegay in Xadhiga dambe ee Yuusuf Cabdi gaboobe lid ku yahay soo deyntii markii hore xabsiga uu kaga soo baxay, loona diiday in laga bedelo Garsoorihii Kiiska lagu haysto gacanta ku hayay oo ay dureen qareenada u doodayaa.




“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi  Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo maanta 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago u-lasocday inlagabadalo garsoorihii ay hore udureen iyo in lamudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye faysal uu hore uga ogalaaday.




Intaa ka dib gudoomiye gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta maxkamada gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah usoo xidho.




Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu cagajuglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada haatuf iyo hubaal “ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Solja.




Wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Somaliland Times ayaa lagu haystaa baahinta faddeexado musuqmaasuq oo ay xukuumadda Siilaanyo gashay iyo heshiisyada Maal-gashiga Shidaalka.




Wiil Madaxweynuhu sodog u yahay oo aan xil ka haynin dawladda ayaa ka mid ah dadka ku muduciga ah ee loo xidhay Wargeysyadaas iyo Masuuliyiintooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com