Hargeysa(GNA)-Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa mar kale sheegay inay buuxsamayaan Xabaalaha Dadka lagu aaso ee uu Wakhti hore Iibiyay, waxaanu iftiimiyey in in wax yar oo aad u koobani ka hadheen Dhulkii loogu talo galay Xabaalahaas.
”afar bilood baan maqnaa xabaalihii way buuxaan waxaan Lix bilood gaadhay baa hadhay meel la idinku aasaa ma jirto, beerta ku xigta xabaalaha ninkii lahaa shan boqol oo kun buu ku diiday, dhulkiina waa la kala yeeshay”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo maanta warbaahinta la hadlay.
Sheikha oo ka qayb-galay Aaska Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo ahaa Qoraa iyo Suxufi rug-cadaadi ah oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada u soo jeediyay inay ka qayb qaataan Iibinta Xabaalaha Magaalada, si aan loo waayin meel dad lagu aaso.
Sheekh Aadan Maxamuud (Siiro) oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaanka Xisbiga ku canaantay inay wali bixin la’yihiin qaadhaan ay isku qoreen oo lacagta Xabaalaha lagu iibinayo ka mid ah.
Waxaanu yidhi “Siilaanyo iyo muuse biixi-gaad isku haysataan waxa laga la’yahay shan shantii boqol ee ay isku qoreen markii aanu xabaalahan iibinaynay mooyi meel ay geeyeen hantida ay maamulaan ”.
Ugu dambeyn Sheikha ayaa dadkii ka qayb-galay Aaska Marxuumka u soo jeediyay inay badiyaan Cibaadaystaan oo qof walba ay hurantahay xabaasha iyo Iilku.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com