Ururka samafalka ee Havoyoco oo Muddooyinkli dambe si ba’an ugu jiray hawlaha Siyaasadda ee waddanka iyadoo saraakiisha sar sare ee ururkaas Havoyoco oo ugu horeeyo odayga magaciisa lagu magacaabo Axmed Wayso uu wado abaabulo ka dhan ah dhanka xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isaga oo si caadifadeesan u abaabulaaya koox dhalinyaro, si ay qas iyo buuq ugu abuuraan nabadgalyadda, hanaan socodka Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dacaayadaha iyo mucaaridada joogta ah ee ururka Havoyoco waddo oo tusaale ahaan aynu soo qaadankarno Maansodii Axmed aw Geedi Liibaan, oo ka mid ahaa aas aasayaashii ururka Havoyoco, isaga oo in muddo ah ka shaqeenaayay ururkaas. Maansadda Abwaan Axmed aw Geedi oo magaceeda layidhaah (Garbo Diir) ee uu ku dhaliilaayay Xukuumadda Axmed Siilaanyo.
Ururka Havoyoco oo ku sifoobey urur, had iyo gooraale tacadiyo u geesta da’yarta Somaliland, iyadoo hore ay awood lacageed u isticmaaleyn Urur dhalinyaro ah oo ciyaara ciyaaraha qalaamo rogodka ah(Circus), ururkaa dhalinyaradda ah oo markii dambe ay qaabileyn wasaaradda Ciyaaraha halkaas oo ay ka dhigteyn gabood ay ka galaan Havoyoco.
Ururka Havoyoco oo la’aas aasay sannadadii sagaalshanadii ayaa ay abuureyn koox dhalinyaro ah oo badankoodu ka soo jeedaan Gobolka Hargeysa.
Axmed wayso waa odayaasha ugu awoodda badan ee ururka Havoyoco waxayna isku ardaa yihiin gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, Axmed wayso oo ilaa imika kacdoonadda siyaasadeesan ee dhanka Xukuumadda oo ay ka mid tahay kicintii dhalinyaradda ee jidh dilka ugu geestay huteelka Maan-soor Odayaasha dhaqanka, ayaa ururka Havoyoco qayb libaax leh ka qaadatey, ururka oo bixiyay lacagaha ugu badan ee ay qaateyn dhalinyaradaas.
Maxamed Cumar Beyo iyo Mustafe oo gadhwadeyn u ahaa dhalinyaradii qacanta u qaadey Odayaashii dhaqanka, labadan dhalinyar ooh ore uga hawl-gali jiray ururka Havoyoco saaxiibo dhawna ahaan jiray
Gudoomiyaha B.O.D-ka ee Havoyoco Mr. Axmed Wayso.
Xisbiga Kulmiye waa xisbigii dhalay xukuumadda maanta dalka ka talisa, hashiiska Kulmiye iyo sharciyadiisa maaha mid looga baahan yahay kicin, abaabul dhalinyaro laakiin waa arin u baahan in lagu dhameeyo hab siyaasadeed.
Ururka Havoyoco waa in uu ku soo noqdaa hawlihii smafal ee uu u hayay shacbiga ee maaha in uu ku dhax lumo hanka siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye.
Saxafi:A-Naaze Dooyo
E-mail: awaddonyo@gmail.com